Tuesday, 8 December 2015

Ciidan Cusub oo la keenay Soomaaliya kana mid noqonaya AMISOM

agaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa shalay ka soo degay boqolaal ka mid noqonaya Ciidamada Dowladda Jabuuti ee jooga Soomaaliya,kuwaas oo ay Baladweyne keentay Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobey.
Ciidamadan waxaa ay beddelayaan kuwo horay u joogay Baladweyne oo muddo Sanad ah ku shaqeeynayay Magaca AMISOM.
Ciidamada Jabuuti ee jooga Gobolka Hiiraan ayaa markii ay tageen halkaasiw axaa ay Xarakada Al-shabaab ka saareen Magaalooyin badan oo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyaga oo kaashana Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee jooga Gobolka.
Magaalooyinka ugu muhiimsan ee ay Al-shabaab ka saareen waxaa ka mid ah Caasimadda Gobolka ee Baladweyne,Buulo Barte,Maxaas,Jalalaqsi iyo degmooyin kale oo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa markii ugu horreeysay uu ka mid noqday 3-da Dale e keenay Ciidanka Soomaaliya,waxaana ay markaasi keeneen 960 Askari oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya,Ciidamada hadda baxaya ayaa lagu xusuustaa kaalintii ay ka qaateen u gurmashada dadkii uu ku fatahay Wbaiga Shabeelle ee mara Baladweyne Sanad ka hor kadib markii Roob xoog leh uu ka da’ay halkaasi.

No comments:

Post a Comment