Tuesday, 8 December 2015

Xad gudubka Kenya Ee Soomaaliya ku heyso oo si cad usoo muuqanaya.


Guddiga Nabad Galyada Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in la Xiray Dhanaan Goobaha laga Qodo Caro-kaawada oo ku yaalla Magaalada Mandheere ee ku taalla xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya,
Kenya ayaa sheegtay in ay u Xirtay Goobahaasi Cabsi laga qabo Al-shabaab Weeraro ka yimaada,maadama la gudo galayo Xiliga Kirismiska oo Dadka Masiixiyiintaa ay Dabaaldagaan.
Guddiga Amniga ayaa sheega in Maanta Sanad laga joogo markii Al-shabaab ay laayeen 26 Qof oo Duleedka Mandheera ka qodanayay Dhagxaan si ay Noloshooda ugu Maareeyaan.
Hayeeshee Al-shabab ayaa Weeraro badan oo dad ay ku dhinteen waxaa ay ka geeysteen Gobolka Waqooyi Bari,waxaana Weerarkii ugu Cuslaa uu ahaa kii lagu qaaday Jaamacada Magaalada Gaasisa.

No comments:

Post a Comment