Tuesday, 22 December 2015

Wasaarada Caafimaadka ayaa gaarsiisay qalab caafimaad oo kala gedisan maamulka gobolka Sh/dhexe ee dagmada jowhar

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka mahadceliyay deeqdan caafimaad ee ay u soo marsiiyeen wasaarada caafimaadka shacabka ku nool magaalada Esbo ee dalka Finland.
Sidoo kale wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda dowlada Federalka Maxamed Cumar Ceymoy oo goobjoog ka ahaa wareejinta qalabkan ayaa ammaan u soo jeediyay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada xoogga dalka isagoo sheegay in ammaanka ay si wanaagsan uga shaqeeyeen.
Wasiirka ayaa ku booriyay maamulka gobolka inay sii labanlaabaan dadaalkooda ku aadan sidii ammaanka loo ilaalin lahaa maadaama magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe ay martigelinayso shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Soomaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay shacabka gobolka inay dhowraan qalabka muhiimka ah ee la soo gaarsiiyay maadama dhul dheer laga keenay.
wareejin qalabcfm (9)
wareejin qalabcfm (8)






wareejin qalabcfm (3)
wareejin qalabcfm (4)

No comments:

Post a Comment