Monday, 14 December 2015

Hurdada Dhammayska Tiran ee Habeenki oo Qofka ka Caawisa inuu Xasuusto Magacyada iyo Wejiyada Dadka

Aad ayey muhiim ugu tahay caafimaadka aadamaha in qofku habeenkii 8 saacadood seexdo, laakiin khubaro cilmi-baadhis cusub ku sameeyey ayaa sheegay in hurdadu leedahay faa’iido kale oo ah inay xasuusta qofka soo celiso.
Khubaradu waxay ku doodeen in ay ogaadeen in qofku wejiyada iyo magacyada dadka si fiican u xasuusan karo haddii uu habeenkii seexdo 8 saacadood, si wanaagsanna u seexdo.
Dr. Jeanne Duffy oo ka mid ah khubarada daraasaddan diyaariyey, ayaa sheegay xasuusaha kala duwan ee dadku kor ugu kacdo hurdada, waxaannu yidhi; “Xasuusta kala duwan ee bani’aadamku waxay kor ugu kacaan marka uu qofku helo hurdo fiican. Daraasado kala duwan oo la sameeyey waxa lagu eegay sida hurdada yar ee indho isku qabashada u saamayso awoodeenna barasho ee magacyada iyo wejiyada. Ma jirto cilmi-baadhisyo hore oo lagu eegay saamaynta hurdada buuxda ku leedahay barashada. Waxa aannu ogaannay markii aan ka qaybgalayaasha baadhnay in hurdada buuxda ee habeenkii qofka u fududayso inuu aqoonsado magacyada iyo wejiyada dadka, qofkuna ku kalsoonaado jawaabaha uu bixinayo.”
Ka qaybgalayaasha daraasaddan waxa la mariyey tijaabooyin kala duwan, iyagoo ku sugan cusbitaal, kadibna waxa la tusay 20 sawir oo wejiyo keliya ah, iyadoo magacyadoodana la raaciyey, waxana lagu dhex daray 600 sawir oo midabbo kala duwan leh, lana waydiiyey in ay xasuustaan iyo in kale.
Muddo 12 saacadood ah kadib waxa la tusay sawirradii markale bal inay si sax ah isula helaan wejiyada iyo magacyada, iyadoo waliba la cabbiray kalsoonida ay ku qabeen jawaabaha ay bixinayeen.
Waxa soo baxday in dadka 8 saacadood seexday habeennimadii ay si fiican ugu kalsoonaadeen, xasuustooduna ka fiicnaatay kuwii aan hurdada fiican helin, balse cilmi-badhayaashu waxay soo jeediyeen in daraasad tan ka baaxad ballaadhan loo baahan yahay arrintan lagu sameeyo si loo ogaado saamaynta dhabta ah ee hurdadu ku leedahay xasuusta qofka. 
WAXA QORAY C/LAAHI MOHAMED GEEDI (JABUTI HAPPY)

No comments:

Post a Comment