Friday, 25 December 2015

DEG DEG : Qarax Culus oo Goordhow ka dhacay Kenya & Saraakiil Kenya oo lagu laayey.......

Wararka naga soo gaaraya dalka kenya ayaa sheegaya in maanta oo jimca ah Saraakiil sare kana tirsanaa Ciidanka Amaanka kenya lagu dilay qarax Culus iyagoo lasocday kolonyo Xili ay marayeen deegaan ka mid ah LAMU.


Mr James ole Serian, oo ah Agaasiimaha Howlgalka Booni ayaa sheegay in Qarax lagu aasay Wadada qarkeeda uu burburiyay Mid kamid ah Gaadiid ay wateen Saraakiisha Booliska xilli ay kusii jeedeen Deegaanka Boodhi.
Weerarka waxa uu ka dhacay Wadada isku xirta Deegaanada Hindi iyo Boodhi waxa uu ku yaallaa inta uu dhaxaysa Gaarisa iyo Lumo oo ku dhaw Xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Qarax ayaa waxuu sheegay inay ka danbeeyeen Al shabaab oo aad ugu xoogan Gobolka Lamu, oo mudooyinkii danbe ay ka dhacayeen Weeraro ka dhan ah Ciidanka Kenya.
James ole Serian ayaa beeniyay Warar ay baahiyeen Warbaahinta oo ahaa in Qaraxa uu dhaawacyo halis ah gaarsiiyay 3 Sarkaal oo Booliska, kuwa kalena lagu Xasuuqay.
Qaraxan ayaa imaanaya Todobaadyo kadib markii Labo ruux lagu dilay Weerar Al shabaab ay ku qaadeen Gaari Xamuulka qaado oo kusii jeeday deegaanka Hindi .
Bishii July 13-keeda, ee 2015, 4 Haween ah iyo Cunug yar ayaa ku dhintay Qaraxa Miino oo Gaari Laan-garuus ah oo Booliska Kenya wateen oo Qaraxa lagula eegtay Gudaha Gobolka Lamu.

No comments:

Post a Comment