Thursday, 24 December 2015

Labo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday.

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay xubno katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noo xaqiijiyay in xilka laga qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Shangaani iyo Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyaha Degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxow iyo Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdikaamil Macalin Shukri.
Gudoomiyaal Cusub ayaa loo magacabay labada Degmo sida aan xogta ku helnay nooma suurtoobin in aan wali helno magacyada Gudoomiyaasha la magacaabay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan la shaaciyo wareegtada xil ka qaadista iyo Maacaabista Gudoomiyaasha Cusub.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa qorsheenaya in uu isbadal ku sameeyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooinka Gobolka, waxaana dhawaan la filayaa in sidoo kale xilka laga qaado Gudoomiyaal kale.
Maamulada loo magacaabo Gobolka Banaadir ayaa caado ka dhigtay in ay isbadalo ku sameeyaan Maamulada Degmooinka Gobolka ayna xilal u magacaabaan dad aad ugu dhaw, waxaan isbadala xiliyada qaar dhaca ay samayn ku yeelataa howlaha kasocda Deg
mooyinka Gobolka.

No comments:

Post a Comment