Thursday, 24 December 2015

Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo Dadaal ugu jiro in uu Noqdo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

faarax_sheekh
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa, sidii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka cusub ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed oo booqasho ku joogga magaalada Baledweyne ayaa kaga qaybgalaaya kulamada uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu kula leeyahay dadka reer Hiiraan.
Madaxweynaha Somalia, ayaa booqashada uu ku jooggo Magaalada Baledweyne waxaa qayb ka ah, sidii uu ku hirgeli lahaa yoolka xildhibaankan uu ku doonaayo, in uu ku noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha iyo Mudanaha Baarlamaanka Somalia ka tirsa, ayaa wada raadinaaya taageerada odayaasha golaha dhaqanka iyo wax-garadka gobolka Hiiraan.
Toddobaadkii hore waxaa Baledweyne gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed kaasoo u gogolxaaraayay qorshaha uu Faarax Sheekh Cabdiqaadir ku doonaayo inuu noqdo Madaxweynaha gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Guuleed waxaa si dhow loola xiriiriyaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadi, waana xubno si weyn kaga soo wada shaqeeyay arrimaha waxbarashada iyo gargaarka bani’aadanimo, muddo tobonaan sano ah.

No comments:

Post a Comment