Gudoomiyaha maamulka gobolka shabeellaha dhexe Mudane Cali C/laahi xuseen (cali guudlaawe) oo lahadlay saxaafada ayaa waxaa uu ugu baaqay beelaha kudagaalamaya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan in ay nabada qaataan oo ay joojiyaan dagaalka iyo colaada.
Gudoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegay inay gacan ka geysan doonaan xalinta colaadii maalmahan ka jirtay Beledweyn, waxaana uu ugu baaqay labada dhinac inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka , isla markaana u turaan shacabka, xabadana joojiyaan.
‘waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaalada baladweyne in ay joojiyaan xabada iyo colaada soo noqnoqotay maadaama aysan dani ugu jirin dadka iyo deegaanka waayo halka uu dagaal kadhaco waxaa ka dhasha barakac, dhimasho, dhaawac, iyo burbur soo gaara deegaanka islamarkaana ay istaagayaan adeegyada aasaasiga u ah binu,aadamka sida waxbarashada, ganacsiga, Caafimaadka iyo isusocodka bulshada’ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cali Cabdullaahi xuseen.
Sidookale gudoomiye cali guudlaawe oo sii hadlaayay ayaa sheegay in dhawaan ladhisi doono maamulka gobolada walaalaha ah ee shabeellaha dhexe iyo hiiraan xiligaane aysan habooneyn in dagaalo ay kadhacaan gobolka hiiraan maadaama aynu nahay dad walaalo ah oo diris ah.
Dagaaladii labadii maalmood ka socday magaalada Beledweyn ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii isu socodka gaadiidka, waxaana dagaalada ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka afartameeyo kalena ku dhaawacmeen.
xigasho wariye coloow
No comments:
Post a Comment