Magaalada jowhar waa xarunta gobolka shabeellaha dhexe waxaa mudooyinkaan danbe ay eheed magaalo dhan walba kasoo kabaneyso dhanka amaanka, dhismooyinka, dhaqaalaha, wax soosaarka dalagyada kala duwan iyo dhaqashada xoolaha intaasi oo dhan waxaa iska kaashaday illaah kasukoow maamulka gobolka shabeellaha dhexe oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo shacabka gobolka gaar ahaan kuwa magaalada jowhar .
Maamulka gobolka shabeelaha dhexe ayaa marwalba waxaa uu ku dadaalaa horumarka degmooyinka gobolka shabeelaha dhexe iyadoo masuuliyiinta maamulka iyo shacabka ay yihiin kuwo iskuduuban oo uu umuuqdo oo kaliya in laga hormariyo dhan walba degmooyinka gobolka.
Maamulka iyo shacabka gobolka shabeelaha dhexe ayaa hada wado dadaalo lagu doonayo in magaalada jowhar lagu qabto shirka maamul usameynta gobolada walaalaha ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa hori loo dhisay hoolkii lagu qabanlahaa shirka oo qaada ugu yaraan kun qof sidoo kale waxaa ladayactiray garoonka diyaaradaha ee gobolka shabeelaha dhexe oo ay kasoo dagi karaan diyaaradaha rakaabka qaada oo dhirirkiisa uu yahay 3kmtr.
(xigasho wariye mohamed coloow) HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO
No comments:
Post a Comment