Bangiga dhexe ee dalka Ruushka ayaa
shaaciyay, lacag cusub oo Ruushku u sameeyay, Jamhuuriyada Crimea iyo magaalada
Sevastopol, oo labaduba ahaa degaanadii uu xooga kaga soo ceshaday dalka
Ukraine sanadkii aynu soo dhaafnay.
Noodh boqol Rubi ah, ayuu baanku soo
saaray, taas oo Jamhuuriyada Crimea iyo magaalada kale u gaar ah, waxana
madaxda baanku sheegtay in lacagtan cusub ee loo soo daabacay, Jamhuuriyada
Crimea gaadhayso ilaa labaatan milyan oo warqadood, waxaanay laga bilaabo,
salaasadii todobaadkan noqon doonta lacagta sida rasmiga ah looga qaadan doono
dhulkaas, waana mid leh magaca lacagta Ruushka ee Robelka (Rouble).
No comments:
Post a Comment