- Qof walba aan isu dayo inaan la hadlo, iyadaan moodaa ,Ma aqaano sababta.
- Aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waqti walba adigaan kaa fikiraa, dadku way ila yaabaan waqtiganaa adiga kaa fikiraay!!
- Farxadeydiyay aniga waan ku Jeclahay waxaan kuu Jeclahay sida aad u jeceshahay nafsadaada oo kale ,iftiinkii nolosheyda ayaad tahay ,adiga murugtayda ah adiga, farxadayda, ah ,xanaaqayga raali ahaanshisiisa waa adiga, Jiradaydana adigaa daawo u ah , waxaan u noolahay adiga dartaada, .
- Qaaliyay nolosha waa qaali Da`duna waa siidii Ubixii oo kale noloshaan ad u jeedo waa maalmo kooban Jacaylkana waa hal mar ixasuuso marwalbo haddaan ahay qof la xasuusto.
- Aad ayan kugu xiisay marwalbo waxaan hamiyaa inaan noqdo ilin ka dhalata indhahaaga kuna noolaado dhafarkaaga korkiisa, kuna dhinto Dabnahaaga korkooda.
- Waan ku Jeclahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog,intaba adigaan ku jeclahay .
- Aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waxaad tahay noloshayda iyo Qalbigayga
- Gaclisadaydiyay adiga waxaa tahay Jacaylkaygii ugu horeeyay uguna dambeeyay waqti walba xagaaga ayaan ahay .
- Gacalisadaydiyay Hadaadan adigu ila joogin wax farxad ah ma sameeyo .
- Waligayga kuma iloobi doono maalin walba iyo Saacad walba ilaa ay geeridu iga timaado.
- Gacaliso nolol ma jirto adiga la`aantaada qof ma jiro aan noloshayda ku aamini karo ilaa aan adiga ka ahayn, waxaa tahay qalbigayga iyo noloshayada Ha igu kalifin inaan u dhinto Jacaylkaaga dartii.
Ereyo Jacayl oo xanuun badan.
- Haddaad maanta iga tagtay maalin maalmaha ka mid ah ayaad ii soo Laaban doontaa.
- Iga fogaaw ,igana dheeraaw, waayo waad idayacday waqtigaan kugu baahnaa sida biyihii oo kale ,waan kuu haraadsanaa adigana waad I haraad goyn weysay oo waad I dayacday qalbigeyga ku xusuusan mayo Mardambe waayo Noloshayda oo dhan waad baa bi isey,Jacaylkii aan kuu qabay wuxuu isku bedelay nacayb,Aduunkaan inta joogta adiga ayaan kuu nabcahay.
- Waad iga fogaatay gacalisadaydiyay ,keligayga ayaad iga tagay ,aniga waan kuu waalan rabaa ,Sideen u Iloobaa jacaylka aad ku abuurtay Qalbigayga ,qalbigayga habeen iyo maalinba waa mashquul.
- Waqtigaad Qalbigayga dhaawacday ilaa iyo hadda waan ku xasuusta Malana ku iloobi doono.
- Waad iga oysiisay , abaayo waxaa iga da`aayo ilin fara badan in ka badan kun ilimood ,Dhaawacaad ii geysatay dartii, waad iga tagtay anigoo ku jaceyl waad I dayacday anigoo Gacliyahaaga ah, waad idulmisa
- Maxaad Jaceylka beenta ah Qalbigeyga ugu abuurtay hadaaba idaayaceysid, Farxiyooy Ma ogid miyaa Dhaawacaad iigeysatay inuu Qalbigeyga xanuunjinaayo,Maya Maya ma ogid xanuunka ihaayo laakin aniga dareemaayo dhawacaaga xanuunkuu igu haayo wuu idanqadaa markaasaan la xanuunsadaa,waxaan isku dayayaa inaan is adkeeyo umana adkeysan karo,waxaan sameeyo markaan waayo Gacmaha ayaan kor u taagtaa dhibkeygana Rabi baan u sheegtaa.
- Markaan isku dansheeganay daaqadihii qalbigaygana aan kuu furay ayaad duurka cidlo ah igu siidaysay danaysato miyaad ahayd ,Dulmi ayaad ila imaatay iyo daryeel la`aan dembi miyaan kaa galay .
- Noloshaydiyay maxaad iiga fogaatay oo aad ii cidlaysay kama fikiraysid miyaa Noloshayda,Farxadeyda iyo hormarkeyga,ma ogid miyaa inaan aniga la`aantaada noolaan Karin.
Erayo macaan
1-Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta ahayd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada .
2-Ogaaw macaan in xidhiidhka aanu ahayn Game la ciyaarayo, maah eray la iska yidhaahdo, maaha mid bilowda March oo dhamaanaya May, ogaaw waa beri, waa shalay , waa maanta waa mar waliba.
3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto loool .
4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).
5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo inta qoraxda qaboow ka noqoneyso xidigahana ka baaba`ayaan .
6-macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)
7-Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan ku hayo kugu soo dhiibo Pastman (kuwo warqadaha qaada).
No comments:
Post a Comment