Ciidamada booliiska ee ka howlga Deegaanka Nandi ee Dalka Kenya ayaa baadi goob xoogan ugu jira Aabe lagu eedeeyay in uu dil iyo kufsi isugu daray labo gabdhood uu dhalay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday Xaafada Cheptuya oo katirsan Magaalada Nandi, waxaana la sheegay in nin dadka deegaanka kamid ahaa uu kufsi u geestay kadibna uu dilay Labo gabdhopd oo da’dooda lagu sheegay 9-sano jir iyo 8-jir.
Dadka deegaanka ayaa aad uga argagaxay dhacdan naxtin leh kadib markii Guriga uu degnaa ninkaasi ku arkeen labada gabdhood oo meyd ah, waxa ayna dadka deegaanka ficilkan ku wargaliyeen Ciidamada amaanka.
Ciidamada booliiska ayaa baadi goob xoogan ugu jira Ninka dilka iyo kufsiga isugu daray labada gabdhood uu dhalay, waxaana ninkaasi la sheegay in uu u baxsaday dhul keyn ah oo Ciidamada amaanka ay ka baadi goobayaan.
Caaqilka Xaafada ay ka dhacday arintan Ibrahim Kosgey ayaa ku war galiyay taliska booliska in 2 isbuuc ka hor uu muran dhex maray aabaha dhalay gabdhahaasi iyo xaaskiisa oo ahayd hooyada carruurta, xiligaas kadibna ay hooyada caro awgeed guriga uga tagtay.
Dalka Kenya ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dhacdooyin aragax badan dadka ku beera, waxaana dadka Kenya ay noqdeen kuwa la qabsada dhacdooyinka argagax leh ee mararka qaar laga soo wariyo dhulka Kenya.
No comments:
Post a Comment