War goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Booliiska Kenya goor dhaweyd dabakha 8-aad ee Daar ku taalla Xaafada Islii uu ka soo tuuray Wiil Soomaali ah,sida aan ka soo Xiganay dad Halkaasi ku sugnaa.
Falkaan Naxdinta leh oo Wax laga weydiyay Saraakiisha Booliska ee Xaafadaasi Soomaalida u badan tahay islii ayaa iska fogeeyay Edeeynta ah in Askari booliska ka tirsan Booliska uu Wiilkaasi ka tuuray dabaqa hasa ahaatee Wiilka uu is tuuray isagoo ka cararaya Ciidan amaanka waa sida ay hadalka u dhigeyn.
C/naasir C/wahaab oo 25 sano jir ayaa geeryooday,waxaana haatan meydkiisu uu yaalla Isbitaalka Madiina ee Xaafadda Islii,waxaana dul dhooban Soomaali badan.
No comments:
Post a Comment