Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goordhaweyd inay shaqadii ka ceyriyeen tababare Jose Mourinho ka dib markii ay Blues xili ciyaareedkan ay ku habsatay musiibo qaab ciyaareed liita ah.
Waxaana arinta uga sii dartay guuladaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Leicester City. Chelsea ayaa kaalinta 16 aad ka jirta kala saraynta Premier League-ga, iyagoo hal dhibic kaliya ka sareeya kooxda ku jirta booska looga haro horyaalka ee kaalinta 18aad.
Kooxda Blues ayaana haatan ku dhawaaqday inay shaqada ka ceyriyeen tababare Jose Mourinho, waana markii labaad ee shaqada Blues laga ceyriyo tababaraha reer Portugal oo kooxda ku soo laabtay sannadii 2013 markii uu ka soo tagay Real Madrid.
Mourinho ayaa ku dodoay in ciyaartoydiisa ay khiyaameeyeen kulankii Leicester City oo ay Blues soo gaartay guuldaradii sagaalaad ee xilli ciyaareedka Premier League. Chelsea ayaa cadaysay in ay Mourinho ku kala tageen heshiis laba dhinac ah waxaana qoraalkaas lagu yidhi: Kooxda kubbada cagta Chelsea iyo Jose Mourinho waxay maanta ku kala tageen heshiis laba dhinaca ah”. Warka oo faah faahsan halkan kala soco
No comments:
Post a Comment