Thursday, 24 December 2015

Fagaare kuyaala Sh/Hoose oo lagu toogtay Gudoomiyihii Mareerey iyo askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Fagaare kuyaala Sh/Hoose oo lagu toogtay Gudoomiyihii Mareerey iyo askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe waxa ay goob fagaare ah oo kuyaala Deegaanka Bariiri ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa gudoomiyihii Deegaanka Mareerey iyo askari katirsanaa ciidanka Milatariga.
Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku riday Cismaan Macalin Sheekh Axmed, ay ku eedeesay Maxkamada in uu ahaa Gudoomiyihii Deegaanka Mareerey ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo askari katirsanaa Ciidanka milatariga.
Fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay waxaa soo buux dhaafiyay dadka deegaanka iyo xubno badan oo katirsan Al-Shabaab, waxaana xukunka maxkamada kadib goobtaasi lagu toogtay Gudoomiyihii Deegaanka Mareerey iyo askariga kale ee katirsanaa Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo ka hadlay fagaaraha dilka uu ka dhacay ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan cid kasta oo u shaqeysa waxa ay ugu yeereen cadawga ee gacantooda soo gala, waxa ayna uga digeen dadka ku dhaqan Bariite in ay la shaqeeyaan Dowlada.
Xarakada Al-Shabaab ayaa marar badan Degmooyin iyo deegaano ay gacanta ku hayaan waxa ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen Ciisanka Dowlada iyo dad kale ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen Dowlada Soomaaliya iyo Sirdoono shiseeye.

No comments:

Post a Comment