Banaanbaxa ayaa waxaa lagu taageerayay wareegtadii madaxweynaha soomaaliya uu ku sheegay in magaalada jowhar ay marti gelindoonto shirka maamul usameynta gobolada walaalaha ah ee hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen xarunta maamulka degmada jowhar waxaana dibadbaxa kasoo qeybgalay maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo kan degmada jowhar.
Xubno ka socday Odiyaasha dhaqanka,dhalinyarada iyo haweenka oo kahadlay goobta ayaa sheegay in shacabka iyo maamulkaba ay udiyaargaroobeen marti gelinta shirka islamarkaana ay soo dhaweynayaan wareegtada uu madaxweynaha dowlada federaalka somaliya uu ugu dhawaaqay in magaalada jowhar ay marti gelineyso shirka halka degmada buuloburde lasiiyay caasimada KMG ee uu yeelanayo maamulka gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha degmada jowhar Cabduqaadir C/lle buurfuule oo kahadlay madasha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin kamaamul ahaan in magaalada jowhar lagu qabto shirka.
Gudoomiyaha dhanka arimaha bulsha ee g/sh/dhexe muxumed sugaal cismaan oo isna hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka ay rajeynayeen in shirka ;agu qabanaayo jowhar.
Gudoomiyaha maamulka gobolka shabeellaha dhexe mudane Cali C/laahi Xuseen (cali guudlaawe) oo soo gabagabeeyay qudbadaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay udiyaar garoowaan soo dhaweynta marti gelinta ergooyinka ku soo wajahan magaalada jowhar isagoona sheegay in shirka uu dhanwalba ugu diyaar garooway maamulka g/sh.dhexe.
XIGASHO WARIYE Maxamed Yusuf Colow
No comments:
Post a Comment