Tuesday, 15 December 2015

2 Sano oo laga Joogo Colaada Ka Aloosan Dalka Koonfurta Sudan Markii ay Bilaabatay

Waxaa maanta laba sano laga joogaa markii uu dagaalka ka bilowday dalka South Sudan, ayada oo hay’adaha samafalka ay ka digayaan in cunno yari ba’an uu dalkaasi qarka u saaran yahay.In kasta oo dhowr bilood ka hor heshiis nabadeed laga gaaray colaadda dalkaasi, ayaa haddana waxaa sii socda dagaalka, waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasay milyan iyo bar qof.
Hay’adaha samafalka ayaa qeylo dhaan ka jeediyay colaadda South Sudan, qaar waxa ay ka digayaan macluul dadka dalkaasi ku habsata, halka hay’ada HRW ay sheegtay in carruur badan la askareeyo.

No comments:

Post a Comment