Xaawo Jaamac Cabdi waa gabar aan indhaha wax ka arkin, balse qaban karta wax kasta oo uu qabto qof lixdiisa lixaad qaba. Xaawo wax bey barataa, waxayna ka mid ah urur ay ku mideysan yihiin dadka aan wax arki karin.
Riix Halkan si aad Muuqaalka u daawato
Dhinaca kale Xaawo waxaa Allaah SWT hibo u siiyay in ay suugaan sammeyso oo ay miro curiso, waxaana heeso ay sammeysay ku luuqeeyo fannaaniin caan ah oo ay ka mid tahay fannaanadda Ubax Fahmo.
Xaawo Jaamac Cabdi waxay ku dhalatay Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug, waxayna hadda ku nooshahay Magaalada Hargeysa.
No comments:
Post a Comment