Tuesday, 15 December 2015

Wasiiro,Xildhibaano iyo Hogaamiyaha Galmudug oo maanta wadajir u gaaray B/weyne

Waxaa goordhaw Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kuwaa oo halkaasi u tagay xalinta dagaal labo maleeshiyo beeleed dhawaan ku dhax maray Galbeedka Baladweyne.
Wafdiga Baladweyne gaaray waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale wafdiga kamid ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.
Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ciidan ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne, waxaana loo galbiyay gudaha magaalada halkaasi ay kula kulmi doonaa maamulka Gobolka iyo Waxgarad.
Sida aan Warka ku heleyno Masuuliyiintan ayaa u tagay Magaalada Baladweyne sidii loo xakin lahaa dagaal dhawaan Xaafada Howl-Wadaag ee Galbeedka Baladweye ku dhax maray labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Baladweyne waxaa ku dhintay qaar badan oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaa sidoo kale dagaalka uu sababay in laga barakaco qeybo kamid ah Magaalada Baladweyne.

No comments:

Post a Comment