Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta ka tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,kuwaas oo ku baxay Colaadda ka taagan Magaalada Baledweyne.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa Socdaalkiisa ku weheliya Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Fedraalka Soomaaliya,kuwaas oo doonaya in ay Xal ka gaaraan Dagaalkii ka dhacay Xaafadda Howlwadaag Ee Galbeedka Baledweyne.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa horay ugu baaqay in la joojiyo Dagaalka islamarkaana dhinacyada ku dagaalamaya Xaafadda Howlwadaag ay u Naxaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Xaafaddaasi.
Xaaladda Magaalada ayaa maanta ah mid degan,iyadoo ay wali is hor fadhiyaan Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Xaafadda Howlwadaag.
xigasho wariye coloow
No comments:
Post a Comment