Saturday, 12 December 2015

Booliska Gobolka Minesota ee dalka Mareykanka ayaa wiil kaan xereeen

Booliska Gobolka Minesota ee dalka Mareykanka, a
yaa xabsiga u taxaabay nin dhalinyaro Somali Mareykan ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu qorsheynaayay in uu ku biiro Ururka Daacish.

Booliska, ayaa Arbacadii waxay C/risaaq Maxamed Warsame ka soo qabteen deegaanka Eagan ee duleedka Magaalada Mineapolis. Sidoo kalana waxaa loo haystaa in uu doonaayay qalab taageero, oo uu siiyo Daacish.

Dokumenti laga diyaariyay eedeymaha loo haysto C/risaaq Maxamed Warsame oo 20 sano jir ah, ayaa waxaa ku qoran in uu isku deyay in dhalinyaro kale oo Somaliyeed uu ka caawiyo, sidii ay ugu biiri lahaayen Daacish.

C/risaaq, ayaa dhalinyarada basaborada haysata ku dhiiriyay in dhammaadka xagaaga soo socda, ay ku biiraan Ururka Daacish, Mareykankana ay uga baxaan dhinaca xuduuda Mexico.

C/risaaq, ayaa wejihi doono maxkamad degmeyd federaal ah, si Maxkamadda ay u dhageysato eedeymaha loo haysto, ee la xiriira danayntiisa Daacish.

Mareykanka, ayaa Ururka Daacish ku daray liiska ururada argagaxisada, waxaana uu u arkaa mid halis ku ah danaha Mareykanka ee caalamka

No comments:

Post a Comment