Monday, 14 December 2015

Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Leicester City vs Chelsea: Yaa Kusoo Bilowday Yaase Kursiga Fadhiya?

Wiilashii hore Barcelona Pedro Rodriguez iyo Cesc Fabregas ayaa isku wareysanaya kursiga keydka kadib markii laga doorbiday Oscar iyo Ramires, sidoo kalana daafaca England Gary Cahill ayaa kursiga keydka fadhiya iyadoo Zouma iyo Terry ay ku midoobayaan daafaca dhexe
Sidoo kale Diego Costa ayaa dib u helay booskiisa safka hore waxaana kursiga fadhiya Remy iyadoo Hazard iyo Willian ay caawin doonaan wiilka reer Spain.
Dhanka kale rikoor jabiye Jamie Vardy ayaa kusoo bilowday waxaana weerarka ku wehlinaya Ulloa iyo Mahrez kuwaas oo aan dab yar shideynin.
Claudio Renieri ayaa wajahaya kooxdisii hore sidoo kalana waxaa kooxdisii hore ka hor imaanaya daafaca dambe ee Leicester City Roberto Huth kaas oo xili soo maray kooxda Blues.
SHAXDA RASMIGA AH: Waxaa Qoray: Abdirashid "Shardinho"
Leicester: Schmeichel, Simpson, Morgan, Huth, Fuchs, Mahrez, Drinkwater, Kante, Albrighton, Ulloa, Vardy.
Keydka:
King, Okazaki, Dyer, Wasilewski, Benalouane, Schwarzer, Inler.
Chelsea:
Courtois, Ivanovic, Zouma, Terry, Azpilicueta, Ramires, Matic, Willian, Oscar, Hazard, Costa.
Keydka:
Begovic, Fabregas, Mikel, Kenedy, Pedro, Remy, Cahill.
Garsoore:
Mark Clattenburg (Tyne & Wear)

No comments:

Post a Comment