Tuesday, 8 December 2015

DHAMBAAL CAASHAQ OO AAD U XIISO BADAN,

DHAMBAAL CAASHAQ OO AAD U XIISO BADAN,


   
 Waa Uun Dhambaal Laysu Direy Iyo Qalinkii ‘ Cad Ceedii Subaxnimo Ayaa Soo Baxday, Sidii Loo Wada Hadleeyey, Kolkaas Uun Baa Hal Mar Lagu Wada Baraarugey Inuu Waagii Baryey, Ayadoon La Seexanin, Hudaddii La Moog Yahay. Way JeCel Yahiin In Ay Wali Sii Wada Sheekeystaan Balse, Dantaa Diideysa Runtii. Waa la kale tagay, ayadoo la wada qoslaayo, farahuna dhibsanayaan in ay jaraan taleefoonka, oo dhowr mar ayaa la isku cel celiyey jar adiga iyo adiga jar, wallow ugu danbeytii la jarey oo hawada la wada baxay, Balse waxaa jirey qof xiiso bururay oo hadana u baahdey inuu diro fariin. Waa liibaan oo naftiisa la qanciyey, aadna loogu hagar baxay, isla markaana doonaya si la mid ah inuu u qanciyo ugana farxiyo Leyla, waxuuna u maray wadada ah inuu fariin la yaabkeeda leh u qoro, isla markaana lama filaan uga dhigo lamaantiisa mudatay maankiisa ku fakaraya guusha. Ka Bogosho WaCan Dhanbaalka. Sida dhool gu’yoo da’ay, ugu dheefo noolahu ayaad iiga dhagantoo, waan ku soo dhaweystoo, dhan kastaba nafteydaa, kaa dhigatay weheloo, tahay dhaayaheediyo, rajey dhowrto waligeed. Waa uun baahida nafteydu haatan kuu dareemeyso iyo sida ugu dhaw ee aan kugu tusaaleyn karey, balse waan aaminsanahay in ay baahidu ka badan tahay dhowr sadar oo aan ku qeexo ama ku soo kobo, waxaanse kaga bogan karaa had iyo jeer anoo ku dhaha waan ku jecelahay Leyl. Ma moodeysaa inaan baaxaa dagay isla barkaana bad weyn doonayo inaan jiidhis uga gudbo, maxaa yeeley xalay oo dhan anoo kula hadlaayey, ku moog uun wax kar yar saacado Ayaan hadana qoraal ku cabirayaa baahida nafteydu kuu dareemeyso, qalad maahan ee waa sida aad qalbigeyga u hanatay isla markaana u qancisey, maxaa ii diidaye hadaanba awoodo waqtiguna ii saamaxayo inaan ku mashquul, haba yaraatee waxuun ku farax galinyaa ee aan ku muteysan karo anoo kaa fog inaad si dhab iigu dhool cadeyso, hal heelna iskugu tuurto sariirta isla kali qososho. Qiso Gaaban Oo Mudan In Lagu Cibro Qaato Kana Sheekeyneyso Dadkii Daanyeerka Noqday ‘Subxannallaah’.. Qiso Cajiib ah Mudana In Lagu Cibro Qaato Iyo Dilkii Lagu Xukumay Cikrama Bin Abii Qeybtii Soddon Iyo Labaad Sheeko Xiiso Badan ’32’ ‘Dhibaatadii Tahriibka Aan Kala Kulmay Iyo Tusmadii Qiso Murugo Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Wiilkii Wanaagsanaa Iyo Qaabkii Asxaabtiisa U Fidneeyeen”. Qiso Cajiib Ah Muxuu Sameeyay Calqamah Wiilkii Joogay Xiligii Rasuulka SCW, Ka Faa’ideyso Oo Ku KUSOO BIIR BOGGEENA Side ruux saran wado loo hagar baxay misna dhageysanaya hadba dookhiisa, u kaxeyn karaa gaariga, jirkiisuna ula dhaqaaqayaa hawada iyo bilicda dhaayahiisu ka qabanayaan dhirta ka baxday hareeraha wadada oo wada cagaaran leh ubaxyo kale ceyn ahi iskugu faanayaan hadba udgoonka carafta badan kale duwan ee Eeebe u dhiliyey, xaqiiqdii waa sida aan dareemayo haatan oo aan qoraayo dhanbaalkaan aan u hibeeyey naftaada si lama filaan ah gacaliso. Aad bey ii farax galisaa farxadaada, hadii aan awoodi karo bal miyaan hagranayaan, maya waayo maba jiri karto waxaan awoodo anoo kaa qarsaday sabab aan kuu dhaho waan ku jecelahay, way aad bey ii xiisa

 

No comments:

Post a Comment