Tuesday, 8 December 2015

Walaaca Dawlada Kenya ka qabto Ardayda ku biirta Al Shabaab oo sii kordhay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kumanaan ka mid ah Ardeyda wax ka baran jiray Dugsiyada kala duwan ee dalka Kenya la waayay kadib markii ay Al-shabaab qorteen sda ay sheegayaan saraakiisha Dowladda Kenya.
Bishii October Booliska ayaa Xiray Ardey dhiganayay Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe kadib markii laga war helay in uu ku biirayo Xarakada AL-shabaab.
Ardeygaas oo ahaa 14 waxaa uu u socday oo ay Waalidku ku ogaayeen in uu u socday Imtixaanka kama dambeysta ah ee Fasalka 8aad,isaga oo ay la socdeen 19 Ardey oo kale.
Xubno ka tirsan Garabka Al-shabaab ee dalka Kenya ee loo yaqaanno Jeysha Al Ayman ayaa Guryo ka kireystay Nairobi,waxaana y ku deggan yihiin Bishiiba Sh75,000 oo Shilinka Kenya ah, sida ay sheegayaan Saraakiisha Dowladda baaritaan ku haya xogtan oo ay soo gudbiyeen Sirdoonka Kenya.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa baahiyay in 20 ka mid  Dhallinyaro ah ay Booliska qabteen iyada oo 29 kalena ay u tallaabeenXadka Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-shabaab.
Booliska ayaa Waalidiinta kula talinaya in ay si qoto dheer isha ugu hayaan dhaq dhaqaaqa Carruurtooda wax ka barta Dugsiyada dallka Kenya.
Waxaana hadda la la’yahay 200 oo Ardey guud ahaan Dalka Kenya,kuwaa soo ay Dowladdu ku sheegeyso in ay ku biireen Al-shabaab,halka Waalidiinta qaar ay ku doodayaan in Carruurtooda ay u xir xiran yihiin Ciidamada la dagaallanka Argagixisada ee Kenya,kuwaa soo mararka qaar dila Carruurta Meydadkoodana laga helo Wabiyada.

No comments:

Post a Comment