Wednesday, 9 December 2015

Dumarka Iyo Ragga Soomaaliyeed Iney Guurka Nacaan Waxaa Ku Kalifay Siyaabahaan Cajiibka

Waayahaan danbe waxaa batay is eedeyn u dhaxeyso raga iyo dumarka haba u badnaadeen kuwooda da’da yar, sida aay xaqiijisay kobciyemedia.com  dumar badan iyo rag badan oo dhamaantood aad u da’yar ayaa ka aamin baxay guurka.
Hadaba shabakada kobciyemedia.com waxey soo bandhigeysaa dhowr qodob oo aan isleenahay qodobadaan ayaa sabab u ah in raga iyo dumarka kala aamin baxaan.
@ Arinta koowaad ee keentay raga iyo dumarka iney ka nacaan guurka ayaa ah xuriyada oo leyska qaado gabadha iyo wiilka xiligaan jiro waxey aaminsan yihiin in qofka nolosha la wadaagaa uusan meel u bixi Karin waxey ku qasbayaan inuu guriga joogo waayo waxaa ku yar kalsoonida xuriyadii oo leyska qaadana aakhiran waxey sababeysaa in leys karahsado oo lakala tago, kadibna guur danbe ma rabo aay dhagahaada kusoo dhacaan.
# Markuu meherka dhaco qof weliba waxaa dushiisa fuulayo mas’uuliyad aan horay u saarneyn balse labada qof ee is guursaday midkoodna ma yaqaano qiimaha masuuliyada uu xambaarsan yahay, dayacaad kadib waxaa leysku dareemayaa in culeys leysku haayo waxaana halkaasi ka dhalanayo kala tag iyo qof walbaa inuu ka aamin baxo guurka.
$ Dakhliga soo galo labada lamaane wuxuu kala geeyaa noloshooda wuxuuna sababaa iney is furaan waa hadii aaysan aqoonin qiimaha jaceylkooda, kan lacagtiisa badantahay wuxuu dhibsanayaa guri joogistiisa wuxuu caadeysanayaa inuu iska xaadiriyo goobaha lacagta lagu dhameeyo, kan faqiirka ahina wuxuu iska xaadirinayaa goobaha lacagta laga helo si uu shaqeysto labadooduba waxey ku mashquulayaan bananka kadibna waxaa dhaceyso in gabadha u dulqaadan waayso halkaasna ka dhasho kala tag, inkastoo aay jirto siyaabo kale oo badan lacagta bini aadamka u kala geeyso.
% Labada qof ee mudada isla soo socday markii aay aqal galaan waxaa meesha ka baxayo sidii leyskaga taxadari jiray sidii leysku xushmeyn jiray gabadha markii aay ninka ka waayso wixii uu sameyn jiray xiligii uu jeclaa weey niyad jabeysaa halkaasna waxaa ka dhalayo kala tag kadibna gabadha guurka oo idil weey naceysaa jaceylka iyo haasaawaha ayey ka doorbideysaa halkaas ayey ka bilaabeysaa rag badan iney wakhtiga ka lumiso ninba nin usoo shukaansi tago.
Intaasi ayaan kusoo koobeynaa manta qormadii aan kaga hadleynay maxaa sababay in iyo dumarkaba ka aamin baxaan guurka haba u badnaadeen dumarka oo dhibaatada ugu badan inta badan ayaga soo gaarto.

No comments:

Post a Comment