Thursday, 31 December 2015

Madaxweynaha: “Ciidammada waa inay adkeeyaan ku dhaqanka anshaxa wanaagsan, dhowrista qawaaniinta, iskana fogeeyaan musuqmaasuqa’’ “Dhageyso+Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley shirka toddobaadlaha ee Ciidammada Qalabka Sida oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen taliyeyaasha, madaxda hoggaannada, iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad taabaneysa muhimadda dhowrista anshaxa iyo ku dhaqanka qawaaniinta.
“ Waxaa dhammaanteen ina horyaalla waajibaad ballaaran ii aan dalka iyo shacabka ugu adeegeyno. Difaaca qarannimada, xudduudaha iyo sugidda amniga ayaa ugu weyn waajibaadka ina saaran. Laakiin waxaa iyana in maanka lagu hayo mudan in askarteena ay noqdaan kuwo leh anshaxa lagu yaqaano ciidammada, dhowrana qawaaniinta u degsan ciidanka. Madaxda ciidammada ayaa la doonaya inay tusaale fiican noqdaan, si askarta ay ugu deydaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo carabka ku adkeynaya lagama maarmaannimada anshaxa, ayaa sheegay salka dhismaha dowlad horumarsan uu yahay helista ciidan sharciga iyo kala dambeynta dhowra, shacabkuna ay ku deydaan.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dardaarmey ciidanka in si buuxda loola dagaalamo musuqmaaqa, xuquuqda ciidankana la ilaaliyo.
“Hambalyada sannadka cusub ee inoo bilaabanaya ee 2016-ka ka sokow, waxaan idin ku bishaareynayaa in laga bilaabo bisha Janaayo ee beri inoo curaneysa dalka laga dhaqan gelinayo nidaam cusub oo daah-furnaanta hawlaha dowladda lagu soo bandhigayo. Waxaa halkaasi lagala socon doonaa dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira sida loo maamulayo xisaabaadka ciidanka. Tani waxay wax weyn ka tari doontaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa in ciidanka iyo qof walba oo qaranka u adeegaya uu maanka ku hayaa inuu dhammaaday waqtigii wax la isu sheegayay oo keliya, haatanna la guda gelayo isla xisaabtan iyo in tallaabooyin sharci ah laga qaado kuwa sida xun ugu takrifalaya awoodaha iyo hantida ummadda’’.
Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka u sheegay in halku-dhigga sannadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono ‘’AMNIGA DALKEENNA WAA INAAN SI BUUXDA ULA WAREEGNAA”.
Waxaa uu sheegay in ciidammada shisheeye ee taageeraya Soomaaliya aanay weligood dalka sii joogi doonin, loona baahan yahay in la bilaabo hannaan cusub oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas’uuliyadda sugidda amniga qaranka.
Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadallo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo S/Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).




1a1db978-2ec5-49f5-8fa7-e9e94d44ba8e4af0e8f1-56a3-4646-8f56-e825e54c41c60515a3f7-ebe0-4955-bc61-13cc082c08f36835265a-7144-48a4-859d-5d40b7d35484

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ra’isulwasaaraha Oo Kormeeray Kulan Howleed Ku Saabsan Dhameystirka Dib U Eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Koobaad iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.
Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey halka ay u mareyso shaqada wadajirka ay u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka waxaana ay xustay in ay labada guddi ay hada isla eegeen Afarta cutub ee hore ayadoo cutubka Shanaadna ay howshiisa gebo gebo u mareyso.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo isna ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad uu Guddoonka Baarlamaanka u dejiyey in dar dar ay ku socdaan howlaha Baarlamaanka taasina ay marqaati ka tahay shuruucda iyo qaraarrada uu Golaha meel mariyey inta lagu jiro Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa isna dhankiisa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan waxaana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii u jeediyey hadal dar daaran iyo bogaadin isugu jiray labadan guddi ee sida wadajirka ah uga shaqeynaya iney cutub cutub u eegaan dastuurka dalka waxaana uu sharaxay in shaqadan sida ay ku socoto ay Guddoonka Baarlamaanka uga gol leeyihiin in laga gun gaaro muhiimadda dib u eegista Dastuurka ayadoo markii shaqadan ay soo gebagebowdana la horgeyn doono dib u eegistaasi kulanka Baarlamaanka.
Kulan howleedkan qeybta ka ah dib u eegista Dastuurka dalka ayaa waxaa fududeyneysa hay’adda Max Planck Foundation ee dalka Jarmalka ayadoo kulankana ay goobjoog ka yihiin islamarkaana wax ka bixinayaan quburro Soomaali ah oo ka tirsan isla hay’addan.


5db8297a-0063-481e-8f4b-49852fdb4701123bec92-cdd8-4a54-9884-a4baa6a30c898240513b-2df2-4c2f-a4ca-02ccaadb6f2fa6e1bf5d-d10d-4840-a56b-5d3a1a530f2ac4ed4588-614e-44d3-b2b2-f8a0cf0a09a6cf09c657-124b-483e-9508-b5ad92c986a2

Tuesday, 29 December 2015

Xoghayihii hore ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo isku day dil ka badbaaday...

Xoghayihii hore ee ururka Suxifiyiinta qaranka ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa la sheegayaa in lagu weeray meel aan ka fogayn guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan Carwadii Qaranka maanta.
Cumar Faaruuq oo weerarka kadib la hadlay VOA-da ayaa sheegay in koox wadatay gaari yar ay soo weerareen, isaga oo magaalada ka yimid oo galaya xafiiskiisa.
Waxa uu sheegay in kooxda weerarka kusoo qaaday ay ahaayeen saddex dabley ah.
Cumar Faaruuq ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray halka ruux kalana oo oday ahaana uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Maxaad ka taqaan Magaalada Jowhar oo Shirka lagu qabanayo.(War bixin)

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe  waxaa lagu wadaa in dhawaan uu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan sida ay shaaciyeen madaxda dowladda Federaalka.  Waxaa magaalada booqday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo waxana la filayaa in dhawaan Jowhar ay tagaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka,.Hadaba qormadan hoose  waxaan ku faaqidayaa taariikhda magaalada Jowhar.
Jowhar waa magaalo ceynkee ah?
Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale magaalada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa la oran jiray Buundo Bravo halka qeybta berri ee qadiimiga ahna lagu magacaabi jiray Bender Jadiid ama Benderka Hoose.
Jowhar sida isku raacsan yihiin inta badan odoyaashii hore waxa magaca ay ka heshay tuulada Jowhar Eylo oo kacaankii uu u badalay Jowhar Soomaali.
Dadka ku dhaqan Jowhar badankood  waa beeraley ama xoolo dhaqato .  Jowhar waxa ay ka kooban tahay 4 xaafadood H/wadaag ,Horseed,Kulmis iyo Buulo Shiikh.
Imaanshihii Talyaaniga ee Jowhar
Marka ay taarikhdu u eheed 1917 waxa soomaliya yimid nin talyaani ah oo la oran jiray Amadao Luigi Duca Degli Abbrizzi oo kamid ahaa khoyska boqortooyada dalka talyaniga.
Ujeedoda ugu weyn oo u yimid somaliya waxey eheeyd inow helo dhuul uu beerto.
Dhowr degaan ayuu tagay oo wabiga shabeele ku dhiriirsan si uu eego deegaan ku haboob tacabka iyo wax soosaarka.
Baaris dheer kadib waxaa usoo baxday in degaanka jowhar ee ugu haboon tahay beerashada dalag yada kala duwan, taaso ay ugu wacan tahay wabiga oo ka sareeya dhuul beereedka loona bahneyn  matooro waraabka loo adeegsado
Waxa uu  heshiis la galay dadka deeganka ee tuuloyinka jowhar Soomaali iyo Baalguri.
Heshiiskaas wuxa uu Duca ku helay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan wabiga Shabelle .
Duca  waxa uu dib ugu laabtay talyaaniga si maalgalin ugu helo dhul beereedkii loogu yaboohay . Xilligaa Koofurta Soomaaliya waxaa maamulayay gumeystihii Talyaaniga .
Marki uu tagay Italiya waxuu asaasay shirkad magaceeda la yiraahdo S.A.I.S (societa Agricola Italo Somalo) oo ay milkiilayaashu yihiin 61 saamiley  oo Duca oo uu ahaa Gudoomiye.
Lacagti  uu ka soo qaaday saamileydii Talyaaniga ayaa waxa uu ku sooo iibiyay qalabka beeraha  .Waxa uu la yimid  shaqaale cadaan ah,waxana uu 1919kii dib ugu soo laabtay Jowhar.
Dalagyadii ugu horeysay ee uu beeray waxaa ka mid ahaa Suuf ,Qasab iyo lows. Waxaa u soo baxday sidoo kale Jowhar in ay si wanaagsan ugu bixi karto liinta noocyadeeda kala duwan sida Banbeelmada, Aranjo iyo Mandarino ,waxana xusuus mudan in Bambeelmadii Jowhar ka baxday ay noqotay tan ugu wanaagsan suuqii Talyaaniga ee waagaas qudaarta lagu iibin jiray Fiera di Milano
Waxow bilaabay si tijaabo ahaan inoow beero khaqsab kala duwan si’u uga xusho midka ciilada ugu adkeysiga badan, biyo badan aan u bahneen, mizaan kiisuna culis yahay.
Markii ay guuleysatay tijaabadii beerista qasabka  ayuu ku fekeray in uu dhiso warshad sonkorta soo saarta.
Warshadii sonkorta waxey howl gashay ay soo sartay sonkorta ugu horeysay 1926.
Marka at taarikhdu eheed 1933 Duca waa uu  xanuunsaday waxa uuna  ku geeriyooday magaagada jowhar waxaana lagu aasay iisla magaalada jowhar qabuuro ayku lahayeen talyaniga .
Shirkada S.A.I.S waxaa majaraha u qabtay oo gudoomiye ka noqday niin  kale oo talyaani ah oo la oran jiray AVV. Bruno.
Maka ay taariikhdu eheed 1963  sadax sano kadib markii soomaaliya ay xornimada qaadatay ayaa shrkadi S.A.I.S iyo dowlada soomaaliya hashiis wada galeen ooay shirka ku noqdeen  warshada iyo beeraha.
Samiga dowlada waxaa uu ahaa 51% mida shirkada talyaniga 49% labada dhamba waxaa lagu wada heshiiyay in la balaariyo mugga iyo  wax soo saarka warshada lana garsiiyo 4000 tan oo sonkor ah sanadki.
Magacii S.A.I.S halkaas ayoow ku haray. Shirkada cusubna waxaa loo baxshay Snai.
Soo saida sonkorta ka sukow warshada waxey soo sari jirtay Alkolo oo laboa nooc ah Buon gusto oo logu tala galay in laga sameeyo khamriga, dawooyinka, barfunka,
Nooca labaad  ee alkaholka waxa uu haa Cattivo gusto oo loogu tala galay dhayida iyo khaliinka.labadaas nooc ee alkaholka ah waxaa laga sameyn jiray dheecanka sonkorta ka hra (Malaso)  oo dib loo warshadeeyay lagana soo asaro alkaholka.
Alkaholkan waxaa ugu yaraan 90% loo dhoofin jiray dalka fransiiska oo laga iibin jiray inta kala ee so harta wadaanka guda hiisa ayaa lagu istic maali jiray.
Marka ay taarikhdu eheed 1971 waxaa la qarameeyay warshadaha, bankiyada iyo waxii la mid ah.
Warshada sonkorta ee jowhar waxey ka mid eheyd warshadahii la qarameeyay marka ay taarikhdu aheyd  1972 waxaa la aasasay warshada Isnaay Biyaasa oo eheyd warshad soo sarta alaabo kala duwan sida Oomada ,Kabo caag ah ,Kabaha roobka, jiirigaano, Garaafoyin, Barfuuno iyo Catarro kala duwan oo sameyntoda loo isticmaali jiray alkoholka warshada sonkorta..
Shaqaalaha guud ee joogtada ahaa ee isnaay iyo isnaay biyaaso waxey ahayeen 1800kuf.
Shaqaalaha an joogtada eheen eek a shaqeyn jiray iyo beeraha khasabka (seasonal workers) waxey ehayeen 3500kuf shaqaalahaan dambe sanadkii waxey shaqeyn jireen marka lisku daro mudo 8bilood ah.
Jowhar waxaa ay can ku noqotay wax soo saarka Bariiska waana goobta ay ku yaalleen mashaariicdii waaweynaa ee Bariiska sidii kii Baarow weyne .
Magaaladu waxey leedahay 3 suuq oo waaweyn,labo waxaa lagu iibiyaa  badeeco kala duwan sida rashinka, bagashka, iyo dharka ,halka kan sadaxaad uu ka ahaa suuqa xoolaha.
Jowhar waxa ay can ku aheyd isboortiga waana magaalada kaliya ee laheyd naadi kubadda cagta oo heerka 1aad ah marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo sagaal koox oo heerka 1aad ay ka dhisnaayeen.
Dhanka waxbarashada Jowhar waxa ay ka mid aheyd magaalooyinkii ugu horeeyay
ee    Ameerikaanku ay ka dhiseen dusiyo waxbarasho oo macallimiin Mareykan ah ay wax ka bari jireen.
Jowhar ma aha magaalo dhismo ahaan qurux badan laakiin dadka ku dhashay waa dad nabadeed oo reer Jowharnimadu ay kala weyn tahay tan qabiilka IWM waxaana taa daliil u ah isku xirnaanta dhalinyarada kuwa Yurub iyo Ameerika jooga ,kuwa Carabaha jooga iyo kuwa dalka jooga .
F.G  Waxaan u mahad celinayaa ustaad Mataaneey Abraa oo gacan ka geystay macluumaadka  maqaalkan.

Monday, 28 December 2015

Darawalki Osama Bin Laden oo ku geeriyooday dalka Yemen

Ninkii waardiyeeyn jiray  Osama Bin Laden  laguna magacaabi jiray Nasser al- Bahri oo u dhashay Yemen  ayaa u dhintay xanuun in muddo ah hayay, sida ay sheegeen  ilo caafimaad oo ku sugan Yemen. Ninkan oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Yemen, ayaa Sabtidii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Mukalla ee ku taalla koonfurta dalkaasi, kaasoo la rumeysanyahay in uu ku jiray da’da Afartameeyada. Nasser al- Bahri ayaa Alqaacidda u tagaanay  Abu Jandal, wuxuuna sidoo kaloo ahaan jiray darawalka hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda, markii uu ku sugnaa dalka Afghanistan. Ninkan ayaa xabsiga Guantanamo Bay laga soo daayay sanadkii 2008, waxaana lagu celiyay dalkiisa, Wuxuuna ku lug lahaa weerarro Al-Qaacidda ay ka gaysatay Bosnia, Soomaaliya iyo Afghanistan 1990-meeyadii, balse markii dambe waxaa la sheegay in uu ka baxay Al-Qaacidda. Osama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii May ee sanadkii 2011-ki.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo garay maanta g/sh/ dhexe ee dagmada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhallinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana garoonka diyaaraha ee Jowhar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, ku-xigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdiga la socday waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, kuwaasi oo looga hadli doono xaalada gobolka iyo doorka uga aadan dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol. Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka, iyadoo hotelada iyo guryaha la sheegay inay sii kireystaan wafuuda imaaneysa iyo xubnaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga saxaafadda

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka, kadib kulan ay isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka.Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 142 mudane, waxaana kulanka diiradda lagu saaray meel marinta hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka.
Intaas kadib mudanayaasha ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay sharciga saxaafadda Qaranka, iyadoo 139 mudane ay ogolaadeen halka ay ka aamuseen saddex mudane, mana jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir dowlaha Warfaafinta Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen sharciga saxaafadda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mas’uuliyinta Wasaaradda Warfaafinta kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan sharciga saxaadda.

Madaxweynaha Turkiga oo uga baaqay dunida Muslimka ah in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada

IStanbul:-Madaxwynaha dalka Turkiga Rajeb Dayid Erdogan ayaa uga baaqay dunida Muslimka ah in ay u midoobaaan dagaalka lagula jiro argagixisada.
“Muslim ahaan,  Waxaa inoo yaala howl muhiim ah inaan bar-bar istaagno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida Daacish, Al-qacida, Boko Xaram iyo Al-Shabaab kuwaasi oo waxyeelada uga weyn u gaysanaya Muslimiinta iyaga oo adeegsanaya magaca Islamka”  sidaas waxaa yiri Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayey munasabad ka dhacday Istanbul shalay.Madaxweynaha ayaa  yiri “Muslimiinta waa in ay door-weyn oo muhiim ah ka ciyaaraan difaaca diintooda oo uu sheegay in si xun loo adeegsanayo, haddii aan Muslimiinta waxba ka qaban oo ah iney ka hortagaan ururada argagixisada dhamaan fara-gelinta saamaynta ku leh diinteena waa ay soconaysaa ayuu ku daray hadalkiisa”.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale aad u weeraray siyaasadda dawlada Ruska oo iyada qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ku xooggan dalalka Syria iyo Ciraaaq, si gaar ah joogitaan Ruushka ee dalka Syriya, waxaana labadan dowladood weli ka dhex taagan khilaaf ka dhashy diyaarad dagaal oo uu  Ruushka lahaa ou uu Turkiga soo riday bishii hore.
Waxaana hadalka Madaxweyne Erdogan uu imaanayaa xilli sannadkan 2015 ee dhamaanaya oo kaliya ay ururada agagixisada Daacish, Boko Xaram iyo Al-Shabaab ay gaysteen dilal kumanaan kun oo badankood ah Shacab muslimiin ah oo waxba galabsan, balse lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan dunida Muslimka ee uu baaqa u diray, madaxweynaha Turkiga
Inkasta oo 34 dal oo ay Sacuudiga horumuud u tahay ay sheegeen horaantii bishan in ay yeesheen isbahaysi la dagaalamaya  kooxaha argagixisada.

Dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Mandheera

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ka billowdeen magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari Kenya,  kaddib markii ciidanka milateriga Kenya ay rasaas oodda uga qaadeen dad saarnaa gaari shibil ah, iyagoo dilay labo qof, shan kalena dhaawacay.
Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaasi iyagoo ku qeylinayay hadallo ka dhanka falka ay ciidamada Kenya ku dileen dadka rayidka ah.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in dadka la dilay looga shakiyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse waxaa hadalkaasi beeniyay guddoomiyaha degmadaasi Cali Roba, oo sheegay in dhibbanayaasha ay ahaayeen rakaab caadi ah, isla markaana aanay jirin wax caddayn ah oo la xiriira inay walxo qarxa ku wateen gaariga.
Gudoomoyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaa sheegay inuu tagay goobta falku ka dhacay, wuxuuna sheegay inuusan walxo qarxa ku arkin gaariga, isagoo ciidamada ku eedeeyay iney si ula kac ah u dileen dadkaasi rayidka ah.
Milateriga Kenya ayaa sheegay gaarigaasi ay saarnaayeen walxo qarxa balse dadweynaha eer Mandheera oo dareenkooda ku muujiyay dibadbaxaasi ayaa si kulul u beeniyay halka ka soo yeeray booliiska Kenya.

Sunday, 27 December 2015

Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed

War-saxaafdeed ay soo saartay hey’adda NISA oo nuqul ka mid ah uu helay Radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay Muqdisho lagu qabtay laba nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo sida la sheegay faafinayay madhabta Shiicada.
Akhriso War-saxaafadeedka.
Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.
NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.
Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.
Faah Faahin:-
-Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.
– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.
Mas’uuliyiinta Iran
Muxsin Xuseen
Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.
Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.
Gabgabo
Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.
Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.
Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah lala.
Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.
Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.
Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.
Waxaa ku saxiisan qoraalkaan taliyaha NISA ee gobalka Banaadir
Korneel C/xakiin Axmed Farey.
baasaboorka-iiraaniyiin

Daawo Sawirrada: Jowhar oo u diyaar-garoobeysa marti gelinta shirka maamul u sameeynta Sh/dhexe iyo Hiiraan

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda qaban qaaban qaabo iyo diyaar garow xoooggan oo loogu jiro marti gelinta shirka maamul u sameynta gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalada Jowhar ayaa si xowli ah uga socda halkaasi, kaasoo ay soo abaabuleen maamulka gobolka iyo kan degmada, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ololahaasi xoogag ka kala socda xaafadaha Jowhar. Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada ayaa isu diyaarinaya marti gelinta shirkaas, iyadoo durbaba magaalada laga dareemay is bedel dhinacyo kala duwan ah, waxaana sidoo sidoo arrintaasi ka qeeyb qaadanaya qeybaha bulshada iyo ganacsatada magaalada Jowhar..
Waddooyinka waaweeyn ee magaaladaasi ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu soo dhoweynayo shirka iyo martida magaalada imaaneysa, iyadoo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay dhismayaasha magaalada.
Sidoo kale dhismayaal cusub iyo hotelo si qurux badan loo dhisay ayaa laga hirgeliyay magaalada, iyadoo laga dareemayo magaaladaasi bilicda dhismayaasha ilqabadka leh iyao nadaafada oo si wanaagsan loo hagaajiyay.
Waxaa sare u kac ku yimid qiimaha la kireeyo hotelada iyo guryaha oo horay ay u ahaayeen kuwo dhex dhexaad ah, waxaana dadka hadal hayaan is bedelada bilowga ah ee ay gashay magaalada Jowhar.
Dhinaca kale waxaa magaalada laga dareemayay is bedel dhinaca amniga ah, iyadoo waddooyinka laga soo galo magaalada ciidamo la dhigay, waxaana la baarayay dadka iyo gaadiidka soo galaya.





????????????????????????????????????.
????????????????????????????????????

Puntland oo taageertay maamulka cusub ee Bakool Sare

golaha_wasiirada-348x280
Golaha xukuumadda ee Puntland ayaa maanta oo Sabti ah isugu yimid shirkoodi todobaadlaha ahaa. War murtiyeed shirka laga soo saarey ayaa waxaa kamid ahaa qodobada Xukuumadda Puntland ay ka hadleen maamulka dhawaan la dhisay ee loogu magacdarey Gobolka Bakool.
Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shir guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka dooday xaaladda nabad gelyo ee dalka, waxaana ay warbixin guud ka dhegeysteen Wasiirka Amniga, kaas oo lagu sheegay war murtiyeedka in amnigu yahay mid la isku haleyn karo.
Madaxweynaha Puntland ayaa golihiis wasiirada u soo jeediyey in la gaarey xiligii isla xisaabtanka isla markaana Wasiir kasta la weydiin doono waxa uu ka qabtey Wasaraadiisa mudadii sanadka ahay, SHirka isla xisaabtanka ayaa bilaaban doona 2 Janaayo 2016.
Dhanka kale Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ka wada hadley xaaladda gobolka Bakool, halkaas oo maalmihii u danbeeyey uu shir uga socdey dadka degan saddex degmo oo kamid ah gobolka Bakool kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku gabood faley xaqii dadkaas ay lahaayeen sidey sheegeen. Shirka waxaa ka soo baxay maamul loogu magacdarey Bakool Sare oo ay ku mideysan yihiin dadka deggan Bakool Sare, kaas oo leh Madaxweyne.
Puntland ayaa sheegtey in ay taageero u muujinayaan maamulka Bakool Sare oo ka koban degmooyinka Ceelberde, Yeed iyo Aato, iyo Madaxweynaha maamulkaas. Puntland ayaa sheegtey in wax lagu farxo uu yahay in shacabka halkaas deggan ay aayahooda ka tashadeen kadib markii codkooda la maqli waayey, qaddarina ka waayeen maamulka ay hadda jaarka yihiin sida war muriyeedka loo dhigay.
Ugu danbeyntii Warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynhu xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee Bosaso 8 Janaayo 2016, maalinta ku xigtana si toos ah u shaqo bilaabi doono.

japan oo ka cabaneysa in lagu xadgudbay


jabanJapan, ayaa sheegtay inay cabasho rasmi ah ka soo saartay Beijing oo ku saabsan markab kuwa ilaalada xeebaha Shiinaha iyo labo kale oo soo galay, wax ay Tokyo u aragto biyaheeda oo u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee badda bariga Shiinaha.
Ilaalada xeebaha Shiinaha, ayaa sheegay in markab Shiinaha oo madaafiic ku xiran yihiin uu joogay ku dhowaad saacad jasiiradaha lagu muransan yahay ee Senkaku.
Sida laga soo xigtay saraakiil Japan ah, tani ayaa ah tii ugu horeysay oo markab Shiinuhu leeyahay oo hubeysan ku soo galay biyahood u dhow jasiiradaha.
Xiisad ku saabsan cidda leh jasiiradaha aan la daganeyn uu Shiinuhu ugu yeero Diaoyus, ayaa sare u kacay sanadihii dhawaa.

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada oo gaaray Beledweyne

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka XDS ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha maxkamadda Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada ay maanta u tageen Beledweyne ay tahay baaritaan ay ku sameeynayaan waxa ka jira wararka sheegaya in askar ka tirsan ciidanka qalabka sida ay ku lug laheen dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Beledweyne.
Gudoomiyaha ayaa xusay in ay safarkiisa ku wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka XDS iyo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, isagoo tilmaamay iney halkaasi ka bilaabayaan baaritaan buuxa oo la xiriira haddii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan ciidamada oo ka qeyb qaatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Beledweyne.
“Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxeey balan qaadeeysaa ciddii ay ku caddaato arintaasi iney talaab cad ka qaadi doonto sida hore looga bartayba” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida G/le dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Arinta labaad ee muhiimka ah iyadana waxaa waaye waxaa bishaan gudaheeda laba mar xabsiga Beledweyne ka dhacday in maxaabiis ku jirtay xabsiga ay baxsato, arintaasi waxaad ogtihiin in loo xiray taliyihii xabsiga Beledweyne iyo taliyihii qeybta guud ee gobolka Hiiraan u qaabilsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, arinta labaad ee uu yimid wafdigu waa xaqiijinta sababta rasniga ah ee ay u baxsadeen Maxaabiista”.


Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Turkiga oo badbaadiyay nin doonayay in uu iska tuuro Kaabad ama Buundo dheer

Rajeb Dayib Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu bad baadiyay nin sabool ah oo doonayay in uu iska tuuro Buundada ugu dheer dalka Turkiga oo ku taala Magaalada Istanbuul. Ninkan saboolka ah oo la sheegay iney nolosha ku adkaatay ayaa doonayay in uu iska tuuro Buundada Bosphor, si uu u geeriyoodo,  waxaana arintaasi ka war heshay Madaxtooyada Turkiga, iyadoo durbadiiba uu madaxweynaha Turkiga uu si deg dge ah usoo gaaray buundadaasi oo ah halka uu ninkaasi doonayay in uu iska tuuro. Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaday ninka doonayay in uu istuuro ayaa ka codsaday in uusan is dilin uuna la kulmo Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan, ninkan ayaana aaminin warka ciidanka, waxaana ugu dambeyn laga furay daaqada gaarigii uu saarnaa Madaxwenaha, ninkan ayaana markii uu arkay Madaxweynaha ka laabtay go’aankiisa isagoo  soo aaday dhinaca gaariga uu saarnaa Madaxweynaha. Madaxweynaha oo gaarigiisa ku jira ayaa waxaa loo geeyay ninka doonayay in uu Buundada iska tuuro, waxa uuna ninkan uga warbixiyay Madaxweynaha daruufta heeysata ee ku kalifay in uu is dilo, Madaxweynaha ayaa ninkaasi u muujiyay naxariis isagoo ka qiirooday duruufta dhinaca nolosha ah ee ninkaasi soo wajahday, wuxuuna madaxweynuhu ninkaasi u sameeyay balan qaad u sameeyay ninkaasi, isagoo markiiba telfoon u diray Madax kale kuna amray in loo qabo ninkan waxa uu doonayo.
Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan, oo ah Hogaamiye Naxariis badan dadkuna aad u jecel yihiin ayaa sabab u noqday in uu bad baadiyo nolosha ninkaasi saboolka ah.





naxaris_1naxaris_2naxaris_3naxaris_4naxaris_5
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2015-12-25 13:56:18Z |  | ÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÿÛï‹d§ÿ