Tuesday, 19 January 2016

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si kulul u weydiiyay Dowladda Kenya inay shaaciso tirada Askarta lagu dilay weerarkii Ceelcadde

MAYDADKA-KDFIyadoo weli Dowladda Kenya aysan si rasmi ah u shaacin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkii Abaabulnaa ee Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde, ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya waxa ay si kulul u weydiisteen Dowladda Kenya inay shaaciso Tirada Askarta weerarkaasi lagu dilay.

Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegen inay muhiim tahay Ogaanshiyaha xogta la xiriirta Khasaaraha ciidanka ka soo gaaray weerarkaasi.
Waxa ay sheegeen Bulshada Kenya iyo Qoysaska Askartooda Somaliya ay joogaan intaba inay doonayaan maqalka Khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, balse aysan muhiim aheyn in Dowladda ay la aamusto arintaasi.
Opiyo Wandayi  ayaa weydiistay Dowladda in ay sheegto xogta rasmi ah khasaaraha ka dhashay Weerarka si loo yareeyo sheegashooyinka Al-shabaab ee tirada badan.
Shabaab waxa ay sheegteen weerarkii Degmada Ceelcadde inay ku dileen 100 Askari, halka 12 kalena ay sheegteen inay nolosha ku qabteen oo ay soo bandhigi doonaan.
Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in aamusnaanta Dowladda ee khasaaraha Ciidanka ay wal walk u abuureyso Qoysaska Askarta lagu dilay Soomaaliya.
Madaxii hore ee Guddiga Adeegga Bulshada Baarlamaanka Kenya Francis Kimemia, Moses Kuria Kieni  iyo Kanini Kega, ayaa Dowladda  Kenya  ugu baaqay in ay ciidamo dheeraad ah u dirto dalka Somaliya si ay badbaado ugu sameeyaan ciidanka Kenya ee wali ku maqan Gacmaha Al-shabaab.

No comments:

Post a Comment