Tuesday, 12 January 2016

Wefdi uu hoggaaminayo guddomiyaha gobolka hiiraan oo jowhar so gaaray....

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa saacado ka hor ka  degay ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ergooyinka ka socda gobolka Hiiraan waxaa kale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo loo sii galbiyay goob loo sii diyaariyay.
Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa ku soo dhoweeyay ergooyinka gobolka Hiiraan xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil kale.
Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda la filayaa inuu magaalada Jowhar gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud si uu halkaasi uga furo shirka maamul u sameynta gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Wixii kale ee warar ah oo ku soo kordha waan idiin soo gudbineynaa, kala soco warbixino, warar iyo sawirro qormooyinkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

No comments:

Post a Comment