C/laahi Xaaji Xasan (C/laahi Bukhkin) oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qado sharaf u sameeyay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen, Xildhibaanno ka tirsan Jubaland, odoyaal dhaqameed iyo waxgarad kale islamarkaana ka dhacay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, ayay ujeedadiisu ahayd, soo dhaweyn iyo isbarasho iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa islamarkaana la isaga kaashan lahaa ka shaqeynta nabadda iyo horumarka dalka gaar ahaan Jubaland.
Siyaasigan oo hadal dheer ka jeediyay kulanka, ayaa sheegay in dalku galay marxalad cusub oo dowladnimo islamarkaana la doonayo in bulshadu si wadajir ah ugu guntado sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo dowladnimada.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Jubaland iyo wasiirro ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay aad uga mahadcelinayaan siyaasi C/laahi Bushkin kulanka qado-sharafta ah ee uu u qabtay siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Jubaland, iyagoo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan in la dardargeliyo taageerada iyo garab istaagga Jubaland iyo weliba in bulshada laga wacyigeliyo qabyaaladda iyo waxyaalaha kale ee kala fogeyn kara dadweeynaha Soomaaliyeed.
Siyaasi C/laahi Bushkin ayaa mudo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa, iyadoo uu dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna siyaasigani bogaadiyay horumarka baaxadda leh ee ay ku talaabsadeen deegaanada Jubaland gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib u dhiska.
No comments:
Post a Comment