Tuesday, 19 January 2016

Daawo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo howlgal ballaaran ka wada Xaafada Suuqa Xoolaha

downloadCiidamada howlgalka wada ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha waxa ay galeen xalay saacada markii ay aheyd 3:00 habeenimo, waxaana ay bilaabeen qab qabashada Dhalinyarada Xaafadaasi ku nool oo qaarkood guryahooda laga soo saaray.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayeey dadka Deegaanka ku sheegen in ciidamada ay sidoo kale qab qabanayeen dadkii ka soo baxay Salaada Subax oo Masaajidada ka soo dareeray.
Nin ka mid ah Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Dhalinyaro badan oo ciidamada ay qab qabteen la isugu geeyay hal meel, oo dhinacyada ay uga hareeraysan yihiin ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda.
Howlgalka waxaa fulinaya ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid iyo Boolis isugu jira, ciidanka Amisom waxa ay ka caawinayaan dhanka ammaanka, iyadoo gaadiidka Amisom lagu jaray wadooyinka Qaar.
Dhalinyaro badan oo doonaysay inay saaka aadaan Iskuulo iyo Jaamacado ayuu saameyn ku yeeshay howlgalka, maadaama qaar ka mid ah Dhalinyarada lagu qab qabtay howlgalkaasi.
Maamulka Degmada Heliwaa iyo Saraakiisha ciidanka ee howlgalka horkaceysa weli kama aysan hadlin ujeedka rasmiga ah ee howlgalkaan ka dambeeya.
Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa la aaminsan yahay inay tahay meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin Dhalinyarada ka bar bar dagaalanta Shabaabka.

No comments:

Post a Comment