Tus xaaskaaga inaad nafteeda ka jeceshahay naftaada ( markasta tus inaad ihtimaamsiineyso iyada, waayo waxay soo jiideysaa arintaas kalgacal
iyo raxmad )
Noqo mid dhawrsoon, xaaskaagana wey dhawrsoonaan dhawrsada, dumarkiinana haa dhawrsoonaadaane xadiis, Dabari. Iska jir ineey indhahaaga
ku dhacaan xaraanta!Waxaa laga hayaa nin ka mid ah dadkii salafka ahaa inuu yiri  markaan danbi sameeyo waxaan ka arkaa xaaskeyga iyo
daabadeyda danbigaas.
Ha faafinin xaaskaaga ceebaheeda, haba yaraatee siiba dadka dhexdooda.
Joogto ka dhigo daganaanshaha, hana cadhoonin, sabaabtoo ah cadhadu waxay aasaas u tahay kalgacal la’aanta iyo naceybshaha, hadeey kugu
khaldantana u cudur daar hana seexanin adoo u cadhoonaya, waxaadna xasuusataa wanaagii fara badnaa ee adi iyo xaaskaaga idin soo kala
dhexmaray.
Isku day inaad xaaskaaga amaanto, kuna mahdiso markay wax wanaagsan sameyso, wuxuu yiri nabiga scw  qofkaan ku mahdinin dadka Ilaahay
kuma mahdiyo.
Iska jir beenta, sababtoo ah beenta waxay furo u tahay ineey dumiso guryo badan, tusaale ahaan ninmanka qaar ayaa iska imanaya wakhti danbe
cudur daar la’aan, markaas ayuu ninku wuxuu isku dayaa inuu sheego been si uu u raali galiyo xaaskiisa.
Iska jir sidoo kale xanta waaayo iyana duminta guryaha ayeey kaw ka tahay.
Ku dhiiri gali xaaskaaga inay noqoto mid shakhsiyad leh oo isku kalsoon, iyo inay noqoto mid ra’yigeeda cabiri karta.
Hadaad ka soo qaatid mid aan ra’yi laheyn, aadna ka qaatid kalsoonida, waxaad ogaataa inay ilmaha aay kuu dhali doonto raad ku reebi doonto
arintaas.
Xaaskaaga ugu yeedh magac aad ku koolkoolineysid, siduu Rasuulka scw caaisha ugu yeedhi jiray  yaa Caisha.
Dareensii xaaskaaga inay ku sugantahay nabadgaliyo iyo kalsooni, markasta ineey ogaato isna dhahdo xaasku ninkaagii ayaa kaa danbeeya.
njjjjjjj
ReplyDelete