DUMAROW
ASTURNAANTIINA ILAASHADA (SHEEKO GAABAN) Khibrad ayaan u lahaa qalalaasaha ka
dhex dhaca labada Qof ee xiriirsan, balse ma ahayn mid aan waligey filayay in
uu igu dhaco. Xiriiro badan oo nuucyo kala duwan leh waan soo sameeyay, balse,
ma ahayn mid aan kala kulmo Niyad jab ama Dhaawac Qalbi, qiimaha uu u leeyahay
xiriirka kalgacalka naftaydana waan ogaa. Xiriirkii igu horeeyay ee aan qof la
suubiyo, ma gaarin hadafkii laga lahaa oo waxaa dhacday nasiib darro ah in
qofkii aan la lahaa xiriirka uu dunidan uga hayaamo Shil Gaari oo ku dhacay
dartii, waan ka naxay runtii, balse, ma ahayn qofkaas mid ii gaystay dhaawac
qalbi, marka laga reebo ka nixidda aan ka naxay Muusiibada ku dhacday waa
shilkee. Kii labaad aan sameeyeyna marka aan is leeyahay Xariga ha loo dhuujiyo
ayaa waxaa dhacday in qofkii aan wax la wadaagi lahaa, ay dadkiisa qof kale
qoorta u galshaan, micnaha loo guursho Gabar qaraabadiisa ah, ma ahayn mid uu
wax ka qaban karay ama la dhihi karo wuxuu uga dan lahaa dhaawac qalbigayga ah,
ee wuxuu ahaa mid garba duuban oo Duruufo ku hareeraysan ay u diideen in uu
dibanaha nuux nuuxsho, maya dhaho. Halkii ayey iiga bilaabaatay in aan mar
saddexaad baadi goob cusub u galo helidda kan naftayda ku haboon ama
nasiibkiisa uu i kaalmayn karo, nasiib wanaag aniga oo u laafyoonaya Galab
galbaha ka mid ah meel la iga casuumay ayuu si lama filaan ah gaari uu watay
jug iigu siiyay, halkii ayey noqotay in aan ku miir beelo, waaxaasa dhacday in
uu i geeyo Isbitaal, halakaana la igu dabiibo. Wax sidaa u wayn ima gaarin,
waxaa dhacday in uu mar walba i xiriirin jiray isaga oo igula kaftamay in ay
khayr u ahayd sababta uu igu helay oo ahayd gaariga uu igu dhuftay. Wax badan
ayuu kaga duwanaa kuwii hore, dareenkiisa mid aan ku faraxsanahay ayuu ahaa,
balse wuu ka dabeecad kululaa kuwii hore sida aan dareen ahaan qabay amaba aan
ka arkay. Nasiib wanaag muddo kadib waxaa ii rumowday riyadayda ahayd in aan
noqdo Oori lagu soo hoydo ilmana leh, ma ahayn runtii mid ila fududayd in aan
qoys yeesho marka loo eego xaaladaha kala duwan aan soo maray iyo sida ay laba
jeer iiga fashilmeen in riyada aan lahaay ay ii rumowdo. Qoyska marka ay wada
jiraan in ay is qabtaan waxba ma ahan, wayna fududdahay sida la isku qabto,
sidaas si la mid ah waxaa sahlan sida la isku xalliyo, waxaasa muhiim ah in
khaladka marka hore la isku qabto uusan muhiim ahayn in uu mar labaad soo
laabto. Xaaladaha nolosha ay la timaado ayaa sabab u ah baa la oran karaa isku
dhaca dadka nolosha shurukada ku ah ee wax wadaagaya, xaalad kasta oo cusub in
sideeda loo xalliyo ayeyna ku wanaagsantahay, balse marka hal xaalad ay soo laa
laabato sababna u noqoto buuqa joogtada ah ee qoyska, markaas waxaa la oran
karaa labadaas qof ma ahan laba qof oo wax ka bartay xaaladda ay ku noolaayeen.
KSh 2,399 KSh 690 KSh 2,350 KSh 5,980 KSh 15,000 KSh 4,999 KSh 2,199 Related
Searches Manchester United Man United Real Madrid And Barcelona Super Cup
Barclays Premier League Manchester United FC European Leagues ? Related Search
by Discovery App 1/3/2016 Dumarka Wax U Dhaamo Asturnaanta Lama Arag, Bal
Akhriso Sheekadaan Gaaban Ee Xiisaha Badan.. | Raaliyo.com
http://www.raaliyo.com/2015/12/dumarkawaxudhaamoasturnaantalamaaragbalakhrisosheekadaangaabaneexiisahabadan/
2/3 Muddo kadib waxaa dhacday in la ila guursado, taas oo runtii aanan ku
farxin si la mid ah sida aysan ugu farxi lahayn qofka Dumarka ahee ila midka
ah, waa dabeecadda dumarka baa la oran karaa in mar walba oo xaaladdaas oo kale
ay timaado in uu ruuxa qofka dumarka ah uu sidaa u gil gisho. Waxaa dhacday in
sidii hore uusan ii ahayn ninkayga, wax badan oo nolosheena ka mid ahna ay is
baddaleen, balse waxaan isku qanciyaa in dareenkayga oo kulul dartiis uusan
ahayn Xaalku sida aan u qiysaatay, oo wax walba ay yihiin sidii hore. Isagu
nama colaadiyo, qaabka nolosha ee ilmaha iyo anigaba sidii hore weeyaan, wax
naga nusqamay ma jiraan, balse, aniga Dumar ahaan waxaan tabayaa in xagayga
liifadda kasii gaabanayso. Sawirada ii muuqda ma ahan kuwa bixinaya bidhaan
wanaagsan, ee waa kuwa iftiiminaya in gabalkaygu sii dhacayo oo uusan fadhi ii
oolin, waxaan dareemayey oo is tusinayey in aan noqday dookha labaad ee
ninkayga, marba haddii ay timid baahi loo qabo mid labaad xeradana lasoo
galshay. Oo maxaan sidaa ugu fakaraya qoyskayga wuuba ii dhaqan yahay? habeenka
aan tookada u leeyahay waa la ii yimaadaa, Biil la igama nusqaamin, sidas ay
tahayna wax baan tabayaa, maxay yihiin waxaan tabayo? Mooji ayaan isugu jawaaab
celshaa! Oo ma Xaasidnima ayaa i gashay? oo ninka miyaanan u ogolayn in uu
baahidiisa uu dumarka u qabo iska haqab tiro? mararka qaar waxaan is waydiiyaa
maxaa ka maqan ninkaas? Naag hadduu doonayo adiga ayaa u ah, ilma hadduu
doonayo adiga ayaa dhaliddooda diyaar ula ah ooba u dhashay, wax ka maqan ma
jiraanee, adiga ayuu ku nacay ayaan iskugu jawaabaa, intaas oo kaliya ma aheen,
waxaan is waydiiyaa Naagta kale maxay ka soo doontay Reerkaaga? maxayse u
dooratay ninkaaga? waxa Nin yaacaya Baladka miyey dookheeda ka waysay? waxaaba
ii sawirmay in naagtaas loo soo diray irsaaqaddayda iyo noloshayda ay liddi ku
tahay. Muddo kadib ayaan go’aansaday in Naagta ama aniga ay mid baxdo, maara
waa la ii waayay, waano iyo war toona uma soo jeedo, muddo kadib markii la isku
xiiqay ayey noqtay jawaabta sida aan filayay si ka gaddisan, aniga ayaa noqday
tan la saaray oo laga nasan waayay. Mudd kadib markii aan miirsaday ayaan
dareemay in aan khladanaa, Dumar waxay ku wanaagsan yihiin in ayasturan yihiin,
Nolosha oo dhan ayaa igu soo koobantay, waxaan gartay in aan shalay qaldanaa,
maxasa maanta ka gaaraa? waa mar middi calool gashay, islantii aan gurigayg u
bur burshay Da’dii saddexaad ayey maree, anigana garoob dullaysan ayaan meelaha
ku noqday, ilmihi kali ayey igu noqdeen, aabahoodii u roonaa waan kasoo
kaxaystay, Hammi ah nin kale guurso imaba galin. Muddo markij la joogo ayaan
arkay islaan sidayda oo kale hilfaha qaadatay oo isla xaaladdadayda ku sugan,
waxaan ku iri” khaladka waa waqti ka mid ah waqtiyada noloshaad, sidaa darteed
noloshaada oo dhan khalad haka galin, aniga ayaa khald ka galay naftayda iyo
midda ilmahaygaba, fadlan reerkaaga dhaqo, ma islaan xakama goosatay ayaa
taladayda yeelaysa? waxay ku dhacday dariiqii aan ku dhcay, aniga maba waalanee
iyada waaw ayey tiri. Muddo kadib waxaan goostay in aan ninkayga u hoydo,
waxaana ku iri” fadlan islaantaada shalay ayaa maanta kuu baahan, fadlan
khaladkayga waan gartay ee dib ma iigu sixi kartaa, Alle mahaddii jawaabta aan
ka helay ma xumayn, sidii ayaan ugu laabtay reerkayga, markii ay ogaatay
islaantii kale in la isoo celshay, ayey iyana qalab qaadatay, balse sida aan u
xarga goostay uma goosan. Aniga hadda waxaan taaganahay inta uu rabo ha
guursado, macna badan iima lahan taas, waxa macnaha ii leh ayaa ah noloshayda
iyo tan ilmahayga, intaasna waan haystaa, waxba is ciil kaambis iyo Masayr ma
taro, Dumarow asturnaantiina ilaashada, gurigiinana xafita.
No comments:
Post a Comment