Sunday, 10 January 2016

Qofkii ugu miisaanka badnaa caalamka oo geeriyooday

fatest-person-5-280x175Ninka dunida ugu cuslaa oo la oran jirey Andres Moreno ayaa dhintey kadib markii uu wadnaha istaagay. Mr Moreno oo ahaa 38 sano jir ayaa markii uu wadnaha loogaga soo booday ay qoyskiisu ula carareen isbitaalka magaalada Ciudad Obregón ee gobolka Sonora dalka Mexico.

Anderes Moreno oo culeyskiisu ahaa 445 kilogram ayaa neefsan waayay waxayna go’aansadeen qoyskiisa in ay geeyaan isbitaalka.
Ciyaaryahanka kubbada cagta ee Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa oohin ka keenay Mr Moreno kadib markii uu u soo direy funaanada uu ku ciyaaro oo saxiixan taasoo uu ku dhiirigeliyay in culeyska uu iska dhimo.
Warka dhimashada Moreno ayaa yimid labo bilood kadib markii lagu sameeyay qalliin si aad ah culeyskiisa loogu dhimay. Mexico ayaa ah dalka dunida dadkiisa ay ugu culus yihiin, boqolkiiba toddobaatan shacabka dalka Mexico wax ay yihiin qaar culeyskoodu uu ka badan yahay dadka caadiga ah.
Dalka Mexico ayaa waxa uu yahay dal cudurka sokorta ama macaanta ay aad ugu badan tahay waxaana sanad walba u dhinta dad kabadan 80,000 oo ruux.
Rikoorka qofka duniga ugu culeyska badan leh ayaa waxaa hore u haystay nin sidoo kale u dhashay dalka Mexico Manuel Uribe kaasoo sanadkii hore dhintey isagoo 48 sano jir ah.
Qofkii ugu cuslaa caalamka ee soo maray taariiqda waxa uu ahaa nin u dhashay dalka Maraykanka Jon Brower Minnoch kaasoo culeyskiisu ahaa 635 kilogram waxana uu ninkan dhintey sanadkii 1976 isagoo da’adiisu ahayd 42 sano jir.
Dalka Ingiriiska ayaa qofkii ugu cuslaa ee soo mara Carl Thompson waxa uu dhintey sanadkan 2015 isagoo ah 33 sano jir waxana uu culeyskiisu ahaa 395 kilogram.

No comments:

Post a Comment