Sunday, 10 January 2016

WASIIRKA DIFAACA: Argagixisadu waa Khatar u baahan in looga Hortago Iskaashi Caalami a


201611063587990110234116420160109_090818_resized_1Wasiirka Gaashaandhigga Somalia C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota wasaaradda difaaca Ingiriiska oo uu hoggaaminayo, Jen. John Lorimer. Isagoo uga mahad-celiyay taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab-taagan tahay Somalia, gaar ahaan dhanka ciidamada.
Kulanka kaddib ayuu wasiirku sheegay inay saraakiisha Britain isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.
“Wafdiga ka socda Ingiriiska ee uu hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada dowladda Ingiriiska ee ciidanka Qaranka. Waxayna ballan-qaadeen inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan ciidanka si loo dardar-geliyo dagaalka lagula jiro cadowga,” ayuu yiri Jen. Diini.
201611063587990139105383520160109_095251_resized_1
Sidoo kale, wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri. “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay Khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntay, Si aan u xoojino Dagaalka lagu cirib-tirayo, mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa.”
Ugu dambeyn, kulanka waxaa ku weheliyay wasiirka, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd safiirka Ingiriiska u fadhida Somalia iyo dublamaasiyiin kale oo ka tirsan safaaradda Britain.

No comments:

Post a Comment