Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka
ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in
xeerka saxaafaddu uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta sharciga iyo
tan suxufiga.
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka
ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in
xeerka uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana loo qabay baahi
aad u weyn.
“Sameynta xeerka Saxaafadda waxaa la soo hadal qaaday sanadkii
2001-dii, aniga markii 2005-tii la ii magacaabayna, waxaan raadiyay
xogta ku saabsan sida lagu heli karo xeer lagu maamulo bahda saxaafadda,
runtii qabyo qoraal ayaan xilligaas sameyney, laga soo waqtigaasi ayuu
ka soo bilawday marxalado kala duwan ayuuna soo maray, laakiin Alle
mahadiisa guushaaas wuu mira dhalay, in la helo sharcigana waa arrin
muhiim ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa mudane Maxamed Cabdi
Xayir Maareeye ayaa sheegay in xeerka saxaafadda ee baarlamaanku
meelmariyay uu yahay mid aad ugu muhiimsan bahda saxaafadda, isla
markaana loo qabay baahi taagan.
“Rutnii markii uu golaha Wasiiradu meelmariyay sharcigan, kadib waxan
u saarnay guddi ka socday bahda saxaafadda oo wax ka badal ka sameeya,
waxaana markii dambe u gudbinay baarlamaanka oo meelmariyay, waxaana
iminka ka warsugeynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo si uu u
noqdo xeer dhaqan galay” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku daray
inaysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid bahda saxaafadda iyo tan beesha
caalamka oo dhankooda gacan ka geystay sharcigan.
No comments:
Post a Comment