Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelin doono wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka soo gala jeeda Hiiraan iyo Sh/Dhexe sida uu saxaafadda u sheegay maxamed macallin xasan kulmiye oo ah agasime ku xiegenka wafaafinta gobolka sh/dhexe
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sida uu xaqiijiyay agaasime ku xigeenka warfaafinta gobolkaasi maxamed kulmiye waxaa ka socda diyaar garow ballaaran oo ah soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weliba martigelinta shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Lama oga mudada uu joogi doono Madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Jowhar iyadoo lagu xusuusto booqashooyinkii uu hore ugu tegey intii uu hayay xilka madaxtinimada uusan habeena ku hoyan magaalada xarunta u ah gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.
Xalay illaa shalay waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano, siyaasiyiin iyo ergooyin ka soo kala jeeda labada gobol, waxaana sidoo kale magaalada gaaray ciidamo aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu arkayo saaka ciidamo faro badan oo ammaanka sugaya, isla markaana wadooyinka qaar xiray.
No comments:
Post a Comment