Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhimatay markii ruux isi soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel udhow bar-koontarool oo ciidamada amaanka Pakistan ay ku leeyihiin Waqooyi-galbeed wadankaasi.
Booliska Pakistan ayaa xaqiijiyay in 20 ruux dad ka badan ay weerarkaasi ismiidaaminta ah ku dhaawacmeen oo kadhacay duleedka magaalada Peshawar.
Inkastoo aysan jirin cid masuuliyada weerarkan sheegatay hadana mudooyinkii dambe duleedka Peshawar waxaa ku wada dagaalamaye dagaalyahanada Taliban iyo ciidamada amaanka Pakistan.
Sawiro laga soo qaado goobta qaraxu uu kadhacay ayaa muujinaye muuqaalada Baabuur goobta taalay xiliga uu qaraxu dhacaye oo gubanaysa.
No comments:
Post a Comment