Magaalada jowhar ee g/sh/dhexe oo si rasmi ah kaga furmay shirka mamul usameynta G/sh/dhexe iyo hiiran islamrkaana ay ku soo qul-qulayeen maalmahan dambe ergooyin ballaarn ,siyaasiyin iyo xubno ka tirsan dowlada Somalia ayaa todobadki hore waxa uu maamulka gobolka sh/dhexe ku amray dhammaan dugsiyada macaahidda ee waxbarashada in la xero sababa dhowr ah oo uu mamulka qeexay.
Kadib go’aankaasi ka soo baxay maamulka g/sh/dhexe ayaa waxa ay dad badani aad wallaac ugu muujiyeen arrinatn o ay ku tilmaamen iney tahay caqabad ballaran oo soo wajahday ardayda ku nool jowhar iyadoo waalidiintana ay arrintaasi aad ugu soo horjeesten.
Furitaanka shirkan kaddib oo ku beegneyd 12-01-2016 ayaa waxaa xalay shir isagu yimid masuuliyin ka tirsan maamulka g/sh/dhexe oo uu hormuud u yahy guddomiyaha gobolka mudane cali guudlaaawe iyo guud ahaan maamullada dugsiyadasi ayaa waxana laga soo saaray go’aan cusub oo aad loo soo dhoweeyay kaasi oo ahaa in guud ahaanba dib loo furo todobadka soo socdo dugsiyada magaalada jowhar.
Arrintani ayaa waxaa ay raja wanaagsan u noqoneysaa in kabadan 5000 oo arday kuwaasi oo isagu jira wiilal iyo gabdho wax ka baranayay jowhar aadna ugu wallaacsana waxbarashadooda , waxaana ay ku so beegmeysa xilli todobaadkan uu si rasmi ah madaxweynaha Somalia jowhar ka furay shirka maamul usameynta sh/dhexe iyo hiiraan.
No comments:
Post a Comment