Tuesday, 19 January 2016

Mid kamid ah Beelaha Dega Hiiraan iyo Sh/Dhaxe oo Cadaalad daro ku tilmaamy shirka kasocda Jowhar iyo Qaabka Ergada loo qeybsaday


Siyaasiyiinta,Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Murusade oo maanta Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay in Shirkaasi maamul u sameynta uu yahay mid dulmi ah oo la rabo in Xuquuqdooda lagu duudsiiyo Beelo tira badan oo dagan Labadaasi Gobal oo ay ka mid tahay Beesha Murusade.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Murusade waxay intaas raaciyeen in Dad aad u fara badan oo ku abtirsada Beesha Murusade ay dagan yihiin Degmooyinka Maxaas,Buulaburde,Baladweyne,Jowhar iyo Balcad Balse aanay wax tixgalin ah iyo ka qeybgal ah aanay ka siinin Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maamuleysa Shirka kasocda Jowhar.

Waxay Dhaliil usoo jeediyeen Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Murusade, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ugu jira Beesha iyo Duubabaka Dhaqanka Murusade oo ay ku eedeeyeen in ay ka seexdeen u doodida Xuquuqda Beesha ay ku leedahay dhismaha Maamulada dalka laga hirgalinaayo,waxayna ugu baaqeen iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu istaagaan doonista Xuquuqdaasi.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud inuu wax ka qabto Cadaalada daradaasi si Shirkaasi dhismaha Maamulka Labada Gobaladda ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay uga soo baxaan Maamul ay matalaan Dadka Goboladaasi ku wada nool. 

Shirka ka furmay Magaalada Jowhar ayaa beelo badan oo deega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe xaquuqdooda lagu duudsiiyay, waxaana dhibaatada shirka ka taagan ayna ka cabanayana beelaha lagu tilmaamay in ay tahay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si kulul u weydiiyay Dowladda Kenya inay shaaciso tirada Askarta lagu dilay weerarkii Ceelcadde

MAYDADKA-KDFIyadoo weli Dowladda Kenya aysan si rasmi ah u shaacin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkii Abaabulnaa ee Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde, ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya waxa ay si kulul u weydiisteen Dowladda Kenya inay shaaciso Tirada Askarta weerarkaasi lagu dilay.

Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegen inay muhiim tahay Ogaanshiyaha xogta la xiriirta Khasaaraha ciidanka ka soo gaaray weerarkaasi.
Waxa ay sheegeen Bulshada Kenya iyo Qoysaska Askartooda Somaliya ay joogaan intaba inay doonayaan maqalka Khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, balse aysan muhiim aheyn in Dowladda ay la aamusto arintaasi.
Opiyo Wandayi  ayaa weydiistay Dowladda in ay sheegto xogta rasmi ah khasaaraha ka dhashay Weerarka si loo yareeyo sheegashooyinka Al-shabaab ee tirada badan.
Shabaab waxa ay sheegteen weerarkii Degmada Ceelcadde inay ku dileen 100 Askari, halka 12 kalena ay sheegteen inay nolosha ku qabteen oo ay soo bandhigi doonaan.
Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in aamusnaanta Dowladda ee khasaaraha Ciidanka ay wal walk u abuureyso Qoysaska Askarta lagu dilay Soomaaliya.
Madaxii hore ee Guddiga Adeegga Bulshada Baarlamaanka Kenya Francis Kimemia, Moses Kuria Kieni  iyo Kanini Kega, ayaa Dowladda  Kenya  ugu baaqay in ay ciidamo dheeraad ah u dirto dalka Somaliya si ay badbaado ugu sameeyaan ciidanka Kenya ee wali ku maqan Gacmaha Al-shabaab.

Daawo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo howlgal ballaaran ka wada Xaafada Suuqa Xoolaha

downloadCiidamada howlgalka wada ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha waxa ay galeen xalay saacada markii ay aheyd 3:00 habeenimo, waxaana ay bilaabeen qab qabashada Dhalinyarada Xaafadaasi ku nool oo qaarkood guryahooda laga soo saaray.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayeey dadka Deegaanka ku sheegen in ciidamada ay sidoo kale qab qabanayeen dadkii ka soo baxay Salaada Subax oo Masaajidada ka soo dareeray.
Nin ka mid ah Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Dhalinyaro badan oo ciidamada ay qab qabteen la isugu geeyay hal meel, oo dhinacyada ay uga hareeraysan yihiin ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda.
Howlgalka waxaa fulinaya ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid iyo Boolis isugu jira, ciidanka Amisom waxa ay ka caawinayaan dhanka ammaanka, iyadoo gaadiidka Amisom lagu jaray wadooyinka Qaar.
Dhalinyaro badan oo doonaysay inay saaka aadaan Iskuulo iyo Jaamacado ayuu saameyn ku yeeshay howlgalka, maadaama qaar ka mid ah Dhalinyarada lagu qab qabtay howlgalkaasi.
Maamulka Degmada Heliwaa iyo Saraakiisha ciidanka ee howlgalka horkaceysa weli kama aysan hadlin ujeedka rasmiga ah ee howlgalkaan ka dambeeya.
Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa la aaminsan yahay inay tahay meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin Dhalinyarada ka bar bar dagaalanta Shabaabka.

Kenya” Ciidamadeena waxa weraray Daacisha ayaa qeyb ka ahaa

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa Daabacay in Kenya ay aaminsan tahay in Kooxda Daacish ay laheyd Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde 15-kii Bishaan.
Saraakiisha ayaa u sheegay Wareyska in Weerarka oo Aad u awood badnaa iyo Hubka loo Adeegsaday Ciidankooda uu u Ekaa midka ay qaadaan Kooxda Isku magacowday Khilaafada Islaamka Ee Daacish.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay baarayaan qaabka uu u dhacay Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhiga Ciidamadooda ay ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde islamarkaana geystay  Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.
Weerarka Ceel-cadde ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab iyagoo shaaca ka dhigay in ay ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.12 kalana ay Nolosho ku hayaan.
Kenya wali ma sheegin  Dhimashada iyo Dhaawac ka soo gaaray Ciidankeeda Weerarkii Ceel-cadde,iyadoo Garoonka Diyaaradaha Wilson Air-ports  Ee Magaalada Nairobi laga dajiyay Meydadka Afar Askari oo Kenyan ah iyo 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidankii lagu lahaa Dagaalkii Ceel-cadde.

Dhacdo Layaab leh oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, Nin Mayd oo laga helay Garoonka..

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in  Meel u dhaw Garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium laga helay Meydka Nin aan wali la Aqoonsan oo Jirkiisa ay ku taallo Rasaas.

download (1)Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland C/llaahi Fadal Iimaan oo Warkooban siiyay Warbaahinta Somalland ayaa sheegay in Baaritaan dheer lagu hayo Dilka Ruuxa Meydkiisa laga helay Magaalada Hargeysa islamarkaana Warbaahinta lala wadaagi doono markii Macluumaad Faah-faahsan laga helo.
Sidoo kale waxaa uu Taliyahu sheegay in Labo Qof loo hayo Dilka Shaqsigaasi Meydkiisa laga helay Magaalada oo ay hadda baaris ku socoto.
Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhaca Falalka Nuucaan oo kale ah,iyadoo Mas’uuliyiinta Maamulka Soomaaliland ay sheegaan in ay wax ka qabanayan.

Daawo Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee Dalka Pakistan

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhimatay markii ruux isi soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel udhow bar-koontarool oo ciidamada amaanka Pakistan ay ku leeyihiin Waqooyi-galbeed wadankaasi.

art.peshawar.bomb.afp.giBooliska Pakistan ayaa xaqiijiyay in 20 ruux dad ka badan ay weerarkaasi ismiidaaminta ah ku dhaawacmeen oo kadhacay duleedka magaalada Peshawar.
Inkastoo aysan jirin cid masuuliyada weerarkan sheegatay hadana mudooyinkii dambe duleedka Peshawar waxaa ku wada dagaalamaye dagaalyahanada Taliban iyo ciidamada amaanka Pakistan.
Sawiro laga soo qaado goobta qaraxu uu kadhacay ayaa muujinaye muuqaalada Baabuur goobta taalay xiliga uu qaraxu dhacaye oo gubanaysa.
gaariPeshawarUSAIMG_9E12FD-A5E739-C09DBB-671CCD-570CF6-DAD3A3

Monday, 18 January 2016

Taliye Xaamud oo ka qaybgalay furitaanka Shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Africa

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay ka qaybgalay furitaanka shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir uu xariga ka jaray Xaruntan.
Furitaanka xaruntan oo ay goob joog ahaayeen Mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sudan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo dhigiisa Sudan, Taliyaha Booliska Caalamiga Interpol ee Africa iyo Saraakiil ka socotay Dambibaarista Sudan iyo Dowlado kale.
Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo furay xarunta ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay bulshada ku nool bariga iyo bartamaha Afrika
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa booqday xarumaha Dambi baarista Dalka Sudan qaybahooda kala duwan sida xarunta Baarista Kiisaska dambiilayaasha Xarunta Baaritaanada Hubka Xarunta Baaritaanada Mukhaadaraadka iyo Xarumo kale.
Xaruntan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee Ciidanka Interpol ay ka furtaan dalka Sudan, iyadoo lagu baari doono dambiyada heer gobol ee bartamaha iyo bariga Africa.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Xaruntan ay soo dhaweynayaan ayna aheyd mid laga maarmaan ah loona baahanyahay in layska kaashado sidii loo xasilin lahaa Qaarada Africa.








BH0A0436

Thursday, 14 January 2016

Mamulka G/sh/dhexe oo dib u fasaxay in la furo dugsiyada waxbarashada ee magaalada jowhar.....

Magaalada jowhar ee g/sh/dhexe oo si rasmi ah kaga furmay shirka mamul usameynta G/sh/dhexe iyo hiiran islamrkaana ay ku soo qul-qulayeen maalmahan dambe  ergooyin ballaarn ,siyaasiyin iyo xubno ka tirsan dowlada Somalia ayaa todobadki hore waxa uu maamulka gobolka sh/dhexe ku amray dhammaan dugsiyada macaahidda ee waxbarashada in la xero sababa dhowr ah oo uu mamulka qeexay.

Kadib go’aankaasi ka soo baxay maamulka g/sh/dhexe ayaa waxa ay dad badani aad wallaac ugu muujiyeen arrinatn o ay ku tilmaamen iney tahay caqabad ballaran oo soo wajahday ardayda ku nool jowhar iyadoo waalidiintana ay arrintaasi aad ugu soo horjeesten.
Furitaanka shirkan kaddib oo ku beegneyd 12-01-2016 ayaa waxaa xalay shir isagu yimid masuuliyin ka tirsan maamulka g/sh/dhexe oo uu hormuud u  yahy guddomiyaha gobolka mudane cali guudlaaawe iyo guud ahaan maamullada dugsiyadasi ayaa waxana laga soo saaray go’aan cusub oo aad loo soo dhoweeyay kaasi oo ahaa in guud ahaanba dib loo furo todobadka soo socdo dugsiyada magaalada jowhar.
Arrintani ayaa waxaa ay raja wanaagsan u noqoneysaa in kabadan 5000 oo arday kuwaasi  oo isagu jira wiilal iyo gabdho wax ka baranayay jowhar aadna ugu wallaacsana waxbarashadooda , waxaana ay ku so beegmeysa xilli todobaadkan uu si rasmi ah madaxweynaha Somalia jowhar ka furay shirka maamul usameynta sh/dhexe iyo hiiraan.

Iska hor imaad xoog leh oo ka socda caasimada dalka Indonesia”Sawiro”

Daryanka rasaas xoog leh iyo qarxyo ayaa laga maqlayaa magaalada Jakarta ee caasimada dalka Indonesia.

37c133621706412ea095388c09ccb0ea_18Sida laga soo xigtay hawlwadeenadda caafimaadka ku dhawaad 20 ruux ayaa ku naf waayay weerarkaasi ka socda magaalada Jakarta tirada dadka dhaawaca ahna willi lama tiro koobin.
Wararku waxay sheegayaan in weerarka uu ku bilowday qaraxyo waa weyn oo 6 gaarayay waxaana xigay iska hor imaad dhex maray ciidamada dawlada iyo koox hubeysan.
Goobta la weeraray waa degmada ugu mashquulka badan magaalada Jakarta oo ay ku yaalaa safaaradaha wadamada reer galbeedka iyo xarunta  Q,M.
War Q,M ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qof shaqaalahooda ka tirsan oo u dhashay dalka Holland uu ku dhaawacmay weerarka oo aan la garaynayn cidda ka dambeysa.
Saraakiisha amaanka Indonesia waxay sheegayaan in dadka geeriyooday ay ku jiraan 6 ka mid ah kooxdii magaalada weerartay.
Dalka Indonesia oo ah dalka Muslimiinta ugu badan dunnidaan ku noolyihiin dhawr jeer ayay ka dhaceen weeraro noocaan oo kale ah.
M/weynaha wadanka Indonesia Joko Widodo oo dadka warbaahinta kala hadlay ayaa inay is dajiyaan ugu baaqay.
Kolonyo sida gar gaar fara badan oo loo diray magaalo go’doonsan oo Syria ku taala.
Kolonyo gaadiid ah oo sida shixnado gar gaar ah ayaa loo diray magaalada Madayan ee dalka Syria oo ah magaalo go’doonsan oo ay xaalad bini’aadanimo ka jirto.
Gaadiidka shixnadaha samafalka ah qaaday oo kotomeeyo gaaraya ayaa ka baxay magaalada caasinada Syria u ah ee Dimishiq sida ay sheegeen mas’uuliyiin Q,M u hadlay.
Sargaal u hadlay Q,M ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay magaalada Madayan ay markii labaad geynayaan gar gaar ay ugu talo galeen dad ay macaluul ku hayso magaaladaas.
Sargaalkaas waxaa uu sheegay in warar ay heleen ay sheegayaan in dadka qaar ee magaaladaas ay cunno la’aan u liitaan qaarkoodna ay ku jiraan xaalad halis ah.
Magaalada Madayan oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradsan dawlada Suriya ayaa muddo bilooyin ah go’doonsan waana taas tan keentay inay halis gasho nolosha dadka magaaladaas ku nool.
jakarta30572e6a2d74940b980cd71bc69e06734_1869794b3c8c594e4389b5829584851aea_18c407fe4940bd42ddaf5dae34254d6591_18DSC_0205f682851da5b94cc0a6a8ded4f6d8f1ec_18jakartajakarta-1jakarta2

Tuesday, 12 January 2016

Wasiirka Warfaafinta sharciga Saxaafada maanta ayuu dhaqan galay....

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta ka hadlay shirka istiraatiijiyadda horumarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay Xeerka saxaafadduu dhaqan gal yahay oo uu maanta ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

“Xeerku waa dhaqan gal, maanta ayaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah, sida uu qabo qodobka 41aad ee Xeerkan” ayuu yiri wasiir Maareeye.
Wuxuu wasiirku ka hadlay xeerkan iyo faa’iidooyinka ay saxafiyiinta iyo warbaahintuba ka helayaan.
“Sharcigan waxaa loo sameeyay saxafiga oo uu sheegayaa xuquuqdiisa, dhowrayaa noloshiisa, Wixii ugu fiicnaa ee Soomaaliya warbaahinteeda loo sameyn lahaa waaye, waxaana sameeyay warbaahinta oo uu ka yimid.
“Waxaan doonayna waa in saxaafadduu jirto oo xoog yeelayo, waana muhiim inaad sidaa u fahamtaan”.
Dhinaca kale Wasiirku wuxuu ka hadlay xeer-hoosaadka loo samaynayo dhaqan galinta Xeerka Saxaafadda iyo waxa uu ku saabsan yahay.
“Xeer-Hoosaadka la soo saarayo wuxuu ku saabsan yahay qodobka 40aad ee Xeerkan, sida qidmadaha, ganaaxyada iyo arrimaha la midka ah oo ay wasaaradda warfaafinta, golaha saxaafadda Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyadu ay ka fadhiisan doonaan”.
Wasiirka Warfaafinta Somaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in istiraatiijiyad loo sameeyo horumarinta saxaafadda Soomaaliya.
“Sababta istiraatiijiyaddan loo sameynayo waa danta wariyaha iyo warbaahinta Soomaaliya. Wixii khaldana waa la saxayaa waase inay ahaataa wax dan guud ah oo aysan dad gaar ah u adeegeynin, waa inaad lahaasho dareentaan.
Shirka ayaa la soo gabagabeyn doonaa galabta oo Talaado ah, ayadoo laga soo saari doono istiraatiijiyad ay isku raacsan yihiin dowladda, hay’adaha saxaafadda taageera iyo warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo shaqeyn doonta 5ta sano ee soo socota.

Daawo sawirada sida Magaalada Kismaayo loogu soo dhoweyay Gudoomiyaha Barlamaanka & wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Kismaayo...

Daawo sawirada sida Magaalada Kismaayo loogu soo dhoweyay Gudoomiyaha Barlamaanka & wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Kismaayo.k29 k33 k42 k53 k63 k72 k82 k92 k102 k112 k122

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan & Shabelaha Dhexe.(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan & Shabelaha Dhexe.

IMG_4599Daawo Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan Sh/Dhexe.
Madaxaweynaha ayaa sidoo kale xariga ka jaray Eleboorka magaalada Jowhar.
“degdeg kusoo dhisa Maamulka ,anaga ka dowlad ahaan waxaan balanqaadeynaa inaan garabkiina taaganahay idinkuna caawin doono dhismaha maamulkaasi”ayuu yiri Madaxweynaha.
Xarunta uu shirka ka fumay waxaa goob joog ka ahaa madaxda Gobolada Maamulka loo dhisayo ,ergooyinka shirka iyo mas’uuliyiin Dowlada ka socda wasiiro iyo Xildhibaano.
Furitaanka shirka wixii war ah ee ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Insha Allaah.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
IMG_4628IMG_4506IMG_4506IMG_4515IMG_4520IMG_4523IMG_4531IMG_4595IMG_4597IMG_4635IMG_4636IMG_4643IMG_4653IMG_4656IMG_4659IMG_4660IMG_4665IMG_4667IMG_4672IMG_4674IMG_4677IMG_4688IMG_4689