Tuesday, 19 January 2016

Mid kamid ah Beelaha Dega Hiiraan iyo Sh/Dhaxe oo Cadaalad daro ku tilmaamy shirka kasocda Jowhar iyo Qaabka Ergada loo qeybsaday


Siyaasiyiinta,Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Murusade oo maanta Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay in Shirkaasi maamul u sameynta uu yahay mid dulmi ah oo la rabo in Xuquuqdooda lagu duudsiiyo Beelo tira badan oo dagan Labadaasi Gobal oo ay ka mid tahay Beesha Murusade.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Murusade waxay intaas raaciyeen in Dad aad u fara badan oo ku abtirsada Beesha Murusade ay dagan yihiin Degmooyinka Maxaas,Buulaburde,Baladweyne,Jowhar iyo Balcad Balse aanay wax tixgalin ah iyo ka qeybgal ah aanay ka siinin Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maamuleysa Shirka kasocda Jowhar.

Waxay Dhaliil usoo jeediyeen Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Murusade, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ugu jira Beesha iyo Duubabaka Dhaqanka Murusade oo ay ku eedeeyeen in ay ka seexdeen u doodida Xuquuqda Beesha ay ku leedahay dhismaha Maamulada dalka laga hirgalinaayo,waxayna ugu baaqeen iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu istaagaan doonista Xuquuqdaasi.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud inuu wax ka qabto Cadaalada daradaasi si Shirkaasi dhismaha Maamulka Labada Gobaladda ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay uga soo baxaan Maamul ay matalaan Dadka Goboladaasi ku wada nool. 

Shirka ka furmay Magaalada Jowhar ayaa beelo badan oo deega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe xaquuqdooda lagu duudsiiyay, waxaana dhibaatada shirka ka taagan ayna ka cabanayana beelaha lagu tilmaamay in ay tahay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si kulul u weydiiyay Dowladda Kenya inay shaaciso tirada Askarta lagu dilay weerarkii Ceelcadde

MAYDADKA-KDFIyadoo weli Dowladda Kenya aysan si rasmi ah u shaacin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkii Abaabulnaa ee Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde, ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya waxa ay si kulul u weydiisteen Dowladda Kenya inay shaaciso Tirada Askarta weerarkaasi lagu dilay.

Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegen inay muhiim tahay Ogaanshiyaha xogta la xiriirta Khasaaraha ciidanka ka soo gaaray weerarkaasi.
Waxa ay sheegeen Bulshada Kenya iyo Qoysaska Askartooda Somaliya ay joogaan intaba inay doonayaan maqalka Khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, balse aysan muhiim aheyn in Dowladda ay la aamusto arintaasi.
Opiyo Wandayi  ayaa weydiistay Dowladda in ay sheegto xogta rasmi ah khasaaraha ka dhashay Weerarka si loo yareeyo sheegashooyinka Al-shabaab ee tirada badan.
Shabaab waxa ay sheegteen weerarkii Degmada Ceelcadde inay ku dileen 100 Askari, halka 12 kalena ay sheegteen inay nolosha ku qabteen oo ay soo bandhigi doonaan.
Xildhibaanada qaar ayaa ku dooday in aamusnaanta Dowladda ee khasaaraha Ciidanka ay wal walk u abuureyso Qoysaska Askarta lagu dilay Soomaaliya.
Madaxii hore ee Guddiga Adeegga Bulshada Baarlamaanka Kenya Francis Kimemia, Moses Kuria Kieni  iyo Kanini Kega, ayaa Dowladda  Kenya  ugu baaqay in ay ciidamo dheeraad ah u dirto dalka Somaliya si ay badbaado ugu sameeyaan ciidanka Kenya ee wali ku maqan Gacmaha Al-shabaab.

Daawo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo howlgal ballaaran ka wada Xaafada Suuqa Xoolaha

downloadCiidamada howlgalka wada ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha waxa ay galeen xalay saacada markii ay aheyd 3:00 habeenimo, waxaana ay bilaabeen qab qabashada Dhalinyarada Xaafadaasi ku nool oo qaarkood guryahooda laga soo saaray.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayeey dadka Deegaanka ku sheegen in ciidamada ay sidoo kale qab qabanayeen dadkii ka soo baxay Salaada Subax oo Masaajidada ka soo dareeray.
Nin ka mid ah Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Dhalinyaro badan oo ciidamada ay qab qabteen la isugu geeyay hal meel, oo dhinacyada ay uga hareeraysan yihiin ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda.
Howlgalka waxaa fulinaya ciidamada Dowladda oo Nabad Suggid iyo Boolis isugu jira, ciidanka Amisom waxa ay ka caawinayaan dhanka ammaanka, iyadoo gaadiidka Amisom lagu jaray wadooyinka Qaar.
Dhalinyaro badan oo doonaysay inay saaka aadaan Iskuulo iyo Jaamacado ayuu saameyn ku yeeshay howlgalka, maadaama qaar ka mid ah Dhalinyarada lagu qab qabtay howlgalkaasi.
Maamulka Degmada Heliwaa iyo Saraakiisha ciidanka ee howlgalka horkaceysa weli kama aysan hadlin ujeedka rasmiga ah ee howlgalkaan ka dambeeya.
Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa la aaminsan yahay inay tahay meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin Dhalinyarada ka bar bar dagaalanta Shabaabka.

Kenya” Ciidamadeena waxa weraray Daacisha ayaa qeyb ka ahaa

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa Daabacay in Kenya ay aaminsan tahay in Kooxda Daacish ay laheyd Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde 15-kii Bishaan.
Saraakiisha ayaa u sheegay Wareyska in Weerarka oo Aad u awood badnaa iyo Hubka loo Adeegsaday Ciidankooda uu u Ekaa midka ay qaadaan Kooxda Isku magacowday Khilaafada Islaamka Ee Daacish.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay baarayaan qaabka uu u dhacay Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhiga Ciidamadooda ay ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde islamarkaana geystay  Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.
Weerarka Ceel-cadde ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab iyagoo shaaca ka dhigay in ay ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.12 kalana ay Nolosho ku hayaan.
Kenya wali ma sheegin  Dhimashada iyo Dhaawac ka soo gaaray Ciidankeeda Weerarkii Ceel-cadde,iyadoo Garoonka Diyaaradaha Wilson Air-ports  Ee Magaalada Nairobi laga dajiyay Meydadka Afar Askari oo Kenyan ah iyo 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidankii lagu lahaa Dagaalkii Ceel-cadde.

Dhacdo Layaab leh oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, Nin Mayd oo laga helay Garoonka..

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in  Meel u dhaw Garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium laga helay Meydka Nin aan wali la Aqoonsan oo Jirkiisa ay ku taallo Rasaas.

download (1)Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland C/llaahi Fadal Iimaan oo Warkooban siiyay Warbaahinta Somalland ayaa sheegay in Baaritaan dheer lagu hayo Dilka Ruuxa Meydkiisa laga helay Magaalada Hargeysa islamarkaana Warbaahinta lala wadaagi doono markii Macluumaad Faah-faahsan laga helo.
Sidoo kale waxaa uu Taliyahu sheegay in Labo Qof loo hayo Dilka Shaqsigaasi Meydkiisa laga helay Magaalada oo ay hadda baaris ku socoto.
Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhaca Falalka Nuucaan oo kale ah,iyadoo Mas’uuliyiinta Maamulka Soomaaliland ay sheegaan in ay wax ka qabanayan.

Daawo Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee Dalka Pakistan

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhimatay markii ruux isi soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel udhow bar-koontarool oo ciidamada amaanka Pakistan ay ku leeyihiin Waqooyi-galbeed wadankaasi.

art.peshawar.bomb.afp.giBooliska Pakistan ayaa xaqiijiyay in 20 ruux dad ka badan ay weerarkaasi ismiidaaminta ah ku dhaawacmeen oo kadhacay duleedka magaalada Peshawar.
Inkastoo aysan jirin cid masuuliyada weerarkan sheegatay hadana mudooyinkii dambe duleedka Peshawar waxaa ku wada dagaalamaye dagaalyahanada Taliban iyo ciidamada amaanka Pakistan.
Sawiro laga soo qaado goobta qaraxu uu kadhacay ayaa muujinaye muuqaalada Baabuur goobta taalay xiliga uu qaraxu dhacaye oo gubanaysa.
gaariPeshawarUSAIMG_9E12FD-A5E739-C09DBB-671CCD-570CF6-DAD3A3

Monday, 18 January 2016

Taliye Xaamud oo ka qaybgalay furitaanka Shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Africa

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay ka qaybgalay furitaanka shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir uu xariga ka jaray Xaruntan.
Furitaanka xaruntan oo ay goob joog ahaayeen Mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sudan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo dhigiisa Sudan, Taliyaha Booliska Caalamiga Interpol ee Africa iyo Saraakiil ka socotay Dambibaarista Sudan iyo Dowlado kale.
Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo furay xarunta ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay bulshada ku nool bariga iyo bartamaha Afrika
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa booqday xarumaha Dambi baarista Dalka Sudan qaybahooda kala duwan sida xarunta Baarista Kiisaska dambiilayaasha Xarunta Baaritaanada Hubka Xarunta Baaritaanada Mukhaadaraadka iyo Xarumo kale.
Xaruntan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee Ciidanka Interpol ay ka furtaan dalka Sudan, iyadoo lagu baari doono dambiyada heer gobol ee bartamaha iyo bariga Africa.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Xaruntan ay soo dhaweynayaan ayna aheyd mid laga maarmaan ah loona baahanyahay in layska kaashado sidii loo xasilin lahaa Qaarada Africa.








BH0A0436